4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyay Helsinki Finland


Sabti, May 12, 2012 - Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland maanta lagu soo gabagabeeyay kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee shalay & maanta ka socday deegaannada Espoo Kiskus & Espoo  Enteresse isla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki. Kulankaas oo ay maanta ka soo qeybgaleen isla markaasna ay hadallo ka jeediyeen mas'uuliyiin ka socotay dhinacyada waxbarashada & dhaqanka ee dalkaasi.

Waxaa markii ugu horreysay hadallo soo dhaweyn & bogaadin ah halkaasi ka soo jeediyay u qeybsanaha ama sarkaalka u qaabilsan qabanqaabooyinka banfhigyada dhaqamada kala duwan Mr. C/raxmaan Max'ud Cali "Jiimi", sidoo kalena waxaa halkaasi hadallo ka soo jeedisay agaasimaha dhaqamada xaafadda Espoo City, Mrs. Helena Vari & madaxa maktabadaha deegaanka Eva Jappinen.

Kulankan gebagabada ahaa waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 180 - 220 ruux oo isugu jiray Haween, Carruur, Waayeel & Dhallinyaro, iyadoo halkaasina hadallo ay ka jeediyeen C/qaadir Cali Boolaay & Max'ed Sh. Xassan oo ku hadlaayay magaca Qoreyaasha Soomaaliyeed ammaan & mahad ballaaran u jeediyeen dadkii xafladihii shalay & maanta ka soo qeybgalay.

Dhinaca kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay Inj. Max'ed Ibrahim Mursal hadallo ku aaddan sidii afka Soomaaliga uu ula hana qaadi lahaa toknolojiyada casriga ah ee maanta dunidan ka jirta.



Qoreyaashii maanta halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa;-

1.      Dr. C/qaadir Cali Boolaay
2.      Max’ed Sh. Xassan Nuur
3.  C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
4.      Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan
5.      Eng. Max'ed Mursal "Ilka-case"

Haddaba waxaa iyadna halkaasi hadallo qiimo badan badan ka soo jeedisay madaxa Espoo Sello Library Sunniva Drake, waxaana furitaankii barnaamijkan ee maanta ka soo qeybgalay dad kor u dhaafayay 270 – 300 oo ruux oo isu jirtay qeybaha bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan magaaladaasi.