4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida oo kula Taliyaya Al-shabaab inay ku dagaalamaan qaab jabhadeyn ah

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr Ayman Al-Zawahiri oo Internet-ka soo diray cajalad maqal iyo muuqaal ah ayaa kula taliyay Al-shabaab in dagaalkooda ay u bedelaan qaab jabhadeyn ah ayna la dagaalamaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa kale ee ku sugan Soomaaliya.

Cajaladda oo ahayd mid soconaysay muddo toddoba daqiiqo ah ayuu ku sheegay Al-Zawahiri in Al-shabaab aysan wax cabsi ah gelin duqeynta ay diyaarada dagaalka ee Mareykanka ay ka geysanayaan Soomaaliya.

"Dagaalka aad kula jirtaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa kale ee gacanta siinaya waa inaad sii waddaan idinkoo adeegsanaya qaab jabhadeyn ah, ayuu Al-Zawahiri ku sheegay fariinta uu u soo diray Al-shabaab.

Hoggaamiyahan ayaa wuxuu sidoo kale kula taliyay Al-shabab inay ka hortagaan heshiisyada nabadeed ee la wado, isagoo sheegay in heshiisyadaas ay yihiin kuwo lagu hagar-daameynayo Soomaaliya.

"Dhallinyarada Soomaaliyeed (Al-shabaab) ha dhigina hubkiinna, waana inaad dagaalantaan," ayuu yiri ayuu yiri Al-Zawahiri. oo intaas ku daray: "Haka welwelina duqenta Mareykanka, waayo horay ayuu ugu guuldarreystay duqeymihii uu ka geystay dalalka Vietnam, Ciraaq iyo Afgaanistaan, midda Soomaaliyana wuu ku guuldarreysanayaan."

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida, Sheekh Al-Zawahiri wuxuu cambaareeyn dusha uga tuuray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo ku tilmaamay Abraha casriga ah ee dunida Islaamka.

Shabakadda Al-Qaacida iyo Xarakada Al-shabaab ayaa waxay horraantii sannadkan si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay midoobeen, taasoo sare u qaadday walwalka ay dunidu ka qabto in Al-shabaab ay dagaalkeeda ku baahiso dalalka Afrika oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya