9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Mareykanka oo Malaayiin Dollar dul-dhigay Toddoba Sarkaal oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Al-shabaab

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 33-milyan oo doollar ay ku bixinayso warbixinnada ku saabsan toddoba sarkaal oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-shabaab, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo Mareykanka uu saraakiil Al-shabaab ka tirsan dul-dhigo abaal-marin lacageed.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in abaal-marintan loogu magac-daray (Abaal-marintii cadaaladda), waxaaan tani ay qayb ka tahay olole uu Mareykanku uga horjeedo ururka Al-Qaacida.

"Tani waa markii ugu horreysay oo madaxda ugu mihiimsan Al-shabaab la dul dhigo lacago," ayuu yiri Robert Hartung oo ah kaaliyaha dhinaca ammaanka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Marekanka ee howshan wada.

Robert Hartung wuxuu sheegay in xilli walba ay siinayaan abaalmarinta qofkii soo sheega xog ku saabsan toddoban sarkaal halka ay ku sugan yihiin, isagoo ku sheegay warkiisa in xubnaha ay kaalin weyn uga jiraan la dagaalanka argagaxisada.

Washington ayaa waxay sannadkii 2008 ku dartay Al-shabaab liiska ururrada ay ugu yeerto argagaxisada, iyadoo isla maarkaana kusoo rogtay xayiraaddo isugu jira dhinacyada dhaqaalaha, iyo safarka.

Dowladda Mareykanka waxay sidoo kale lacag gaaraysa 300-milyan oo doollar ay siiyay ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya, si ay u xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Mareykanku waxay sheegeen in 7-milyan oo doollar ay siinayaan qofkii soo sheega halka uu ku sugan yahay hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Aw-Maxamuud oo loo yaqaan, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu-Zubeyr).

Sidoo kale, waxay sheegeen inay min 5-milyan siinayaan qofkii soo sheega halka ay ku sugan yihiin, Ibraahim Xaaji Jaamac oo ka mid ah aasaasayaashii Al-shabaab, Fu'aad Maxamed Khalaf iyo Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo dhammaantood ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Al-shabaab.

Xukuumadda Washington waxay sheetay in abaalmarinnadan oo kale ay horay u siiyeen illaa 70-qof oo soo sheegay macluumaadyo ku saabsan dad lagu daba-jiro, kuwaasoo uu ka mid ahaa nin qarxiyay safaarado uu Mareykanku leeyahay, iyadoo saraakiisha howshan wada ay sheegeen inay ku rajo-weyn yihiin in lacagtan abaalmarinta ah ee la dul dhigay saraakiisha Al-shabaab ay horseedi doonto in la helo macluumaadyo badan.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 3-milyan oo doollar ay siinayso ciddii soo sheegta halka uu ku sugan yahay madaxa sirdoonka Al-shabaab, Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi iyo Cabdullaahi Yare oo isaguna sarkaal sare.

"Al-shabaab waxay billowday inay muujiso caalamado ay isku qarinayso," ayuu yiri Rick "Ozzie" Nelson oo ah sarkaal ammaanka ka shaqeeya iyo saadaaliye arrimaha ammaanka ku saabsan. "Abaal-marinta lacageed ee la dul-dhigay saraakiisha sarsare ee Al-shabaab waxay dhiirrigelinaysaa in la waayo Al-shabaab oo dhan. Waana sugaynaa halka ay arrintu ku dameyso."

Ugu dambeyn, Hartung wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sugayso inay hesho warbixinnada ku saabsan saraakiishan Al-shabaab ka tirsan, isagoo sheegay inay siin doonaan qofkii warbixinnadooda u keena abaalmarinta lacageed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/7/2012 9:30 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Munasabad kooban oo ay ka soo qeyb-galeen guddiga ciyaaraha gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxaa agab Sport lagu guddoonsiiyay xulka kubada cagta gobolka Hiiraan.

6/7/2012 9:29 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay saddex qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax goor-dhaweyd ka dhacay bartamaha suuqa degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

6/7/2012 9:27 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — La-taliyihii hore ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cismaan Siciid Jaamac, ayaa sheegay in cadaalad daro lagula kacay saddexda masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa, isla markaana 19 markhaati oo u badnaa booliska aanu midkoona ku cadayn inay kiiskaasi galeen, isagoo xusay in sideedii jireer ee maxkamaddu fadhisatay aan marna lagu sheegin in uu isagu qayb ka ahaa qof sheegayna aanu jirin in lunsigaa raashinka uu isagu ku jiray, xeer ilaalinta lafteeduna sheegtay in aanu ku jirin, waxaanu sheegay in uu aad uga xun yahay xukunka nasiib darada ah ee rajadii laga qabay cadaaladda Somaliland hoos u dhigtay.

6/7/2012 7:21 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa maalintii Talaadada ahayd booqasho gaaban ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada, halkasoo laba todobaad ka hor ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

6/7/2012 7:16 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Sarkaal sare oo u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegtay inay weerareen deegaan ay ku xooggan yihiin kooxaha burcadbadeedda ah, ayna halkaas ku dhaawacmeen hoggaamiyihii kooxdaas.

6/7/2012 6:41 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha nooca dagaalka ee Helicopterska loo yaqaan oo ay leedahay dowladda Kenya ay duqeymo xooggan ka geysteen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Badhaadhe iyo Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

6/7/2012 3:53 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkada isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa shalay deeq isugu jirta shidaal iyo jodariyaal gaarsiisay qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

6/7/2012 3:40 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Maamulka Isbitaalka deegaanka Dhoobley ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa qeylo dhaan xooggan ka soo saaray adeegyada dhanka caafimaadka ah ee uu isbitaalku u hayo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dhoobley iyo deegaanada ku xeeran.

6/7/2012 3:33 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay magaalada Baraasilis ee xarunta dalka Belgium, kaddib markii gaarigii uu watay uu ku dhacay gaari kale.

6/7/2012 3:24 AM EST
Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay nabad iyo dowlad ay shacabku soo doorteen, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid lala xisaabtami karo.