4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 6 , 2012
Saraakiisha Amaanka DKMG ah ee Somalia oo hubka ka manuucay Degmada Afgooye una digay Ciidamada Degmadaas ku sugan

Arbaco, June 06, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda KMG ah ayaa soo rogay amar looga mamnuucayo hubka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose. halkaas oo ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kala wareegeen laba todobaad ka hor xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay.

Digniintan ayaa waxaa si wadajir ah ugu dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), afhayeenka booliiska. Jen. C/llaahi Xasan Bariise iyo taliyaha gobolka Banaadir, Jen. Axmed Xasan Maalin xilli ay ku suganayeen degmada Afgooye.

"Maanta wixii ka dambeeya lama arki karo qof hub ku dhex-wata degmada Afgooye oo aan ka ahayn guutada lixaad ee ciidamada milateriga Soomaaliya, booliiska iyo cidamada nabadsugidda," ayay saraakiishan ka sheegeen shir jaraa'id oo shalay ay ku qabteen degmada Afgooye.

Saraakiishu waxay sheegeen in ruxii lagu qabto isagoo hub ku dhex-wata gudaha degmada oo aan ciidamada ku sugna ka mid ahayn in la ciqaabi doono, inkastoo aysan sheegin ciqaabta nooceeda.

"Ciidamada dowladda waxaan uga digaynaa inay gaadiidka lacago ka qaataan, qofkii lagu helo isagoo lacago baad ah qaadanaya waxaa la horgeyn doonaan sharciga. Waayo innagu ma aqbali karo in fowdo aan fowdo ku bedelno," ayuu yiri Col. Muun-gaab.

Degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMSOM oo isgarabsanaya, iyadoo ay dhowr jeer ka dhaceen iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha maxkamadda qalabka ayaa wuxuu shalay maxkamad ka furay degmadaas, isagoo sheegay in maxkamaddaas ay xukumi doonto askarta dowladda ee dambiyada lagu helo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya