4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo beeniyay in Qarax lagu weeraray Ciidanka Itoobiya uu ka dhacay Baladweyne
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la soo xiriiray HOL ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in weerar loo adeegsaday miino lagula eegtay magaalada Beledweyne ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya kuwa maamulka gobolka.

Max’ed Nuur Caga-joof waxaa uu sheegin in uusan jirin wax qarax ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne, isaga oo intaa ku darray in wararka noocaas oo kale ah yihiin kuwo qal qal galin kara nabad-galyada magaalada Beledweyne.

"Waxaan leenahay warbaahintu ka fiirsato wararka noocaas oo kale ah, xitaa haddii ay u xaqiijiyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waa in ay xooga saaraan xaqiijinta warka dhab ahaanshihiisa,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday xaalada nabad-galyada magaalada waxaa uu sheegay in ay tahay mid hagaagsan, islamarkaana ay sugayaan amaanka degmada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo kaashanaya kuwa dowladda Itoobiya.

"Magaalada nabad-galyo buuxda ayaa ka jirta, dabcan mar marka qaar wax yaabaha dhaca waxaa ay la wadaagtaa dalka intiisa kale, laakiin waxaa kuu xaqiinaya marnaba in uusan jirin wax qarax ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne maalintii shalay,’’ ayuu yiri Max’ed Nuur Caga-joof.

Waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta maamulka gobollka oo iskaashi buuxa saraakiisha Itoobiya gacan bir ah ku qabanayaa nabad-galyada degmada Baladweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya