4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Kooxo hubeysan oo afduub iyo dil u geystay shaqaale Ajnabi ah oo ka howlgalayay Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa afar shaqaale samafal ah oo u shaqeynayay haya'dda Norwegian Refugee Council (NRC) ka afduubay maanta deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kooxdan hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen darawal Soomaali ah oo waday mid ka mid ah gaadiidkii ay shaqaalahan la socdeen, iyadoo goobjoogayaal halkaas joogay ay sheegeen in darwalka iyo laba qof oo dhaawac ah ay ka tageen kooxaha weerarka geystay ayna la baxsadeen afar shaqaale ah.

"Dableydu waxay weerareen gaariga oo kasoo baxay xerada IFO II, waxayna dileen darawalkii mid ka mid ah laba gaari oo ay wateen shaqaalahan samafalka ah, iyagoo la aaday dhinaca deegaanka Libooyo oo ku dhow soohdinta labada dal," ayay yiraadeen dadka goobjoogayaasha ahaa.

Afarta shaqaale ee ajnabiga ah ee la afduubay ayaa u kala dhashay dalalka Norway, Bakistaan, Fillibiin iyo Kanada, iyadoo hay'adda NRC ay ka mid ahayd laba haya'adood oo doonayay inay dib uga shaqo-billaabaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

"Waxaan xaqiijn karnaa in shaqaalaha la afduubay, afduubkaasna ay Al-shabaab ka tahay mas'uul," ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska Kenya, inkastoo kooxdan aysan ka hadlin inay afduubkan iyadu geysatay iyo in kale.

Xeryaha qoxoogiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida ayaa waxaa ku nool ku dhawaad 500,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah, iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay laga dayrinayay xaaladahooda ammaan xeryahaas.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay laba haween ah oo u shaqeynayay hay'adda MSF una dhashay dalka Spain ay ku afduubeen xeryaha Dhadhaab, kuwaasoo weli gacanta ugu jira kooxihii afduubtay.

Afduubyada gudaha Kenya loogu geysanayo shaqaalaha samafalka ee ajnabiga ah ayaa ah tii keentay in Kenya ay kumannaan askarteeda u soo dirto gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeysay inay mas'uul ka tahay afduubyadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya