3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Daah-furka Buug cusub oo laga qoray Abwaan Timacadde oo Ingiriisi ku qoran oo xalay magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigay


Jimce, June 29, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xalay Buug ay ku qoran yihiin Taariikh nololeedki iyo qaybo ka mid ah Suugaantii Abwaan: Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Af Ingiriisi ah ku soo bandhigay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan lagu gardaadinayey Buugan cusub ee Af Ingiriisiga lagu qoray waxa ka soo qaybgalay qoraaga Bugaan Boobe Yuusuf Ducaale, qoraa:Jaamac Muuse Jaamac, Abwaan: Axmed Aw Geeddi, Agaasimaha madaxtooyadaa Xasan Cabdi Madar, madaxa horumarinta ganacsiga shirkadda Telesom, Cabdisalaan Ismaaciil Nuur, dhalinyaro haween iyo rag iskugu jira iyo marti sharaf kale.

madaxa horumarinta ganacsiga Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom Cabdisalaan Ismaaciil Nuur, waxaanu u hambalyeeyey qoraaga buugan diiwaanka maansooyinkii Abwaankii weynaa ee Cabdilaahi Suldaan Timcade oo af ingiriis ah, waana buugii afraad ee laga qoro gabayadiisa, waxaanu ku dhiirigaliyey qoraaga sida hagar la’aanta ah ee uu dadkiisa uga haqabtiro dhacdooyinkii soo maray.

Cabdisalaan ayaa sheegay inay mar walba dhiirigaliyaan horumarka ka jira wadanka iyo dadka wax ku soo kordhinaya, iyagoo mar walba hiil iyo hoo la garab taagan dadka waxtarka mudan ee ummaddoodda wax u qabanaya, isagoo xusay inay xafladan iyagu maalgaliyeen si ay dadku uga faa’iidaystaan.


Qoraa: Jaamac Muuse Jaamac oo buuugan lagu qoray af Ingiriisa ku tilmaamay horumar weyn iyo wax cajiib ah oo uu aad uga helay, maadaama oo abwaanka buuga laga qoray ahaa abwaan aad u qaali ah, isla markaana mudan in dadka ajanabig ahi ogaadaan aqoonta ay dadkeenu lahaayeen.

Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay Abaan: Axmed Aw Geeddi oo abwaan Timacade ku tilmaamay mid aan dadka Soomaaliyeed isagoo kale waligii aan la heleyn “wuxuu ahaa abwaan hal adag oo aan gaban oo dawladihii kala dambeeyey la soo noolaa, Cabdilaaih Suldaan saddex wax buu koobsaday, qabyaaladda ayuu la dagaalamay ilaa maalintii uu godgalayey, wuxuu lahaa hal abuur murti aad u dheer, abwaanku waa ninka kaliya ee soomaaliyeed ee baydkiisa kaliya ee uu tiriyo buug laga qori karo, Gabay kastaba luuq gaar ah ayuu ku qaadaa, ma jirto inta Timacade laga qoray abwaan soomaaliyeed oo laga qoray, codkiisuna waxa uu lahaa cod u gooniya, markaa waa in la ilaaliyaa codkiisu in aanu lumin”ayuu yidhi Axmed Aw Geeddi oo sharaxaad kooban ka bixiyey Abwaan Timacade.

Waxa Gebogabadii soo xidhay qoraaga Buugan cusub ee Af ingiriisa ku qoran: Boobe Yuusuf Ducaale oo ka sheekeeyey taariikhdii Abwaan: Cabdilaahi Suldaan Timacadde, waxaanu sheegay in buugani yahay kii u dambeeyey ee uu ka qoro abwaanka, maadaama oo kani kii afaraad ee uu ka qoro yahay.


Qoraaga Buugan Boobe Yuusuf Ducaale oo ah wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo ka waramay taariikhdii abwaanka waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Cabdilaahi 1920-kii ayuu ku dhashay Gabilay meel u dhow, 1936 magaaaladda Adari ayuu tagay, Gabaygana halkaasi ayuu ka bilaabayaa, ka dibna jabuuti ayuu afartameeyadii joogay, Cabdilaahi malcaamad quraan ayuu galay oo quraanka wuu bartay oo Herer buu ku bartay, qolooyin kale oo yaqaanayna waxay ii sheegeen in mar mar maansooyinkiisa af carabi ku qoran jiray, aniga 1971kii ayey igu dhalatay in aan ka qoro maansooyinkiisii”ayuu yidhi Boobe

Qoraagu waxa uu sheegay in buugan uu yahay kii afraad ee uu ka qoro, waxa kale oo uu xusay in laba buug oo kale ay soo socdaan oo uu dhowaan soo bandhigi doono, isago horana buugaag badan usoo bandhigay.

“Abwaanka 1958 wixii ka dambeeyey cajalado waa laga helayaa, laakiin wiixii ka horeeyey   ma duubna”ayuu yidhi qoraaga buuga.



Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/29/2012 10:02 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Gudiga caalamiga ah ee laan-qeyrta cas (ICRC) ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah inay ka walaacsan tahay xaaladda shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo weli u nugul cunto yari sanad kaddib markii ay bilaabatay abaarta, iyadoo hay'addu ay sheegtay in xalaaddu ay u muuqato mid sii jiri doonto taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha iyo roob yarida jirta.

6/29/2012 9:35 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaaday dalka Turkiga si ay tababar ugu soo qaataan, iyadoo taliyaha booliiska Soomaaliya uu sheegay in tani qayb ka tahay kaalmada uu Turkigu u fidinayo Soomaaliya.

6/29/2012 9:19 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kale oo ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay magaalada Dubai, kaasoo la xusay inuu gabo-gabo u ahaa kulankii shalay dhacay.

6/29/2012 9:13 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi oo kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay doonayso in si khasab ah ay ku dagaal geliso shacabka ku nool magaalada Kismaayo, gaar ahaan dhallinyarada.

6/29/2012 9:12 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay shirkii dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum.

6/29/2012 8:38 AM EST
Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay u diyaar garoobaan xuska sannad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad madaxbannaan.

6/29/2012 8:02 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa afar shaqaale samafal ah oo u shaqeynayay haya'dda Norwegian Refugee Council (NRC) ka afduubay maanta deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

6/29/2012 7:31 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) - Scott Gration ayaa la sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay isniintii hore madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibada Hillary cilinton.

6/29/2012 7:29 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay kulankii Dubai ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

6/29/2012 7:24 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la soo xiriiray HOL ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in weerar loo adeegsaday miino lagula eegtay magaalada Beledweyne ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya kuwa maamulka gobolka.