3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Safiirkii Maraykanka u fadhiyay dalka Kenya oo iska casilay xilkiisii

US-ambassador-Jonathan-Scott-Gration.jpg

Jimco, June 29, 2012 (HOL) - Scott Gration ayaa la sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay isniintii hore madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibada Hillary cilinton.

Iscasilaada Gration waxaa lagu micneeyay is faham la’aan dhanka hogaanka ah .

Waxaana uu xilkan banneeyay, kadib markii uu soo hayay tan iyo bishii May ee sannadkii 2011ka.

Scott Gration oo muddo dheer ku noolaa dalka Kenya ka hor inta aanu safiirka noqon kuna hadli jiray luuqada Ksiwahiliga ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in muddo ka badan 35 sano uu u adeegeeyay dalkiisa.

Waxaa uu sheegay inuu isaga iyo xaaskiisa Juddy ay farxad u ahayd markii uu noqday safiirka Maraykanka u jooga dalka Kenya, uuna uga faa’iidaysan karo fursadaas aqoontiisa qotoda dheer ee u leeyahay dalka Kenya.

Scott Gration ayaa badalay markii hore safiirkii ka horreeyay isaga Michael Renebegar  oo lagu tilmaami jiray inuu ahaa nin saamayn wayn ku leh siyaasada dalka Kenya, balse la badalay markii lasoo bandhigay warbixinnadii sirta ahaa ee Wikileaks, taasoo xumaysay xiriiirka ka dhexeeyay Renebegar iyo madaxda dalka Kenya.

Ma cada cida badali doonta Scott Gration oo horayna u ahaan jiray ergayga Maraykanka u qaabilsanaa Sudan intii aysan kala go'in.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
6/29/2012 3:30 PM EST
Jimce, June 29, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xalay Buug ay ku qoran yihiin Taariikh nololeedki iyo qaybo ka mid ah Suugaantii Abwaan: Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Af Ingiriisi ah ku soo bandhigay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

6/29/2012 10:02 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Gudiga caalamiga ah ee laan-qeyrta cas (ICRC) ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah inay ka walaacsan tahay xaaladda shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo weli u nugul cunto yari sanad kaddib markii ay bilaabatay abaarta, iyadoo hay'addu ay sheegtay in xalaaddu ay u muuqato mid sii jiri doonto taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha iyo roob yarida jirta.

6/29/2012 9:35 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaaday dalka Turkiga si ay tababar ugu soo qaataan, iyadoo taliyaha booliiska Soomaaliya uu sheegay in tani qayb ka tahay kaalmada uu Turkigu u fidinayo Soomaaliya.

6/29/2012 9:19 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kale oo ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay magaalada Dubai, kaasoo la xusay inuu gabo-gabo u ahaa kulankii shalay dhacay.

6/29/2012 9:13 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi oo kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay doonayso in si khasab ah ay ku dagaal geliso shacabka ku nool magaalada Kismaayo, gaar ahaan dhallinyarada.

6/29/2012 9:12 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay shirkii dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum.

6/29/2012 8:38 AM EST
Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay u diyaar garoobaan xuska sannad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad madaxbannaan.

6/29/2012 8:02 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa afar shaqaale samafal ah oo u shaqeynayay haya'dda Norwegian Refugee Council (NRC) ka afduubay maanta deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

6/29/2012 7:29 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay kulankii Dubai ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

6/29/2012 7:24 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la soo xiriiray HOL ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in weerar loo adeegsaday miino lagula eegtay magaalada Beledweyne ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya kuwa maamulka gobolka.