4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Saxiixayaasha Roadmap-ka oo Magaalada Nairobi ku yeelanaya kulan ay uga hadlayaan wixii u qabsoomay

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Madaxda Soomaalida ayaa waxay ku qulqulayaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo lagu wado inuu maalinta Berri ah uga furmo shir ay uga hadlayaan waxyaabihii ka qabsoomay Roadmap-ka iyo sidoo kale heshiiskii ay bishii hore ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya lixda xubnood ee loo yaqaan saxiixayaasha heshiiska tubta nabadda ee Roadmap, waxaana lagu wadaa in muddada uu socdo ay kaga hadlaan wixii u qabsoomay.

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali, madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin iyo xubno matalaya Ahlusunna ayaa ku sugan magaalada Nairobi, iyadoo lagu wado in caawa uu halkaas gaaro madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif.

Saxiixayaasha heshiiska Raodmapka oo ah mid loogu talogalay inay Soomaaliya kaga baxdo xilliga KMG ah ayaa waxaa dhowr jeer oo hore soo dhexgalay khilaafyo ku saabsan habka loo fulinayo heshiiskan inkastoo ay heshiis ka gaareen.

Madaxda dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go'an tahay sidii ay ku meel-marin lahaayeen heshiiskan si Soomaaliya ay ugu gudbto dowlad dhameystiran, waxayna ka codsadeen dhinacayada kale inay iyaguna dadaal kaas la mid ah muujiyaan.

Qodobbada ugu waaweyn heshiiskan oo uu ka mid yahay hirgelinta dastuurka ayaa waxaa dhowr jeer ka dhashay muran, kaasoo dhaliyay in shir kale ay ku yeeshaan magaalada Addis Ababa, kaasoo lagu gaaray heshiis ah in qodobbo laga bedelo dastuurka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya