4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Golaha Wasiirrada Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo ku taliyay in Deegaannada laga saaray Al-shabaab loo sameeyo Maamullo

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada DKMG ah ee Soomaaliya oo ku yeeshay Muqdisho gallinkii dambe ee shalay kulan aan caadi ahayn ayaa waxay kasoo saareen qodobbo ay ka mid yihiin in maamullo loo sameeyay goobihii laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.

Kulankan oo uu shir guddoominayay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay jid-gooyooyin la soo dhigtay waddooyinka Muqdisho, dardar-gelinta howlaha Roadmap-ka iyo hantida gaarka loo leeyahay ee la kala haysto.

Go'aanka ku saabsan maamul u sameynta deegaannadii laga qabsaday Al-shabaab oo u qornaa sidan: In maalmullo KMG ah loo sameeyo gobollada kusoo laabtay gacanta dowladda, In bulshada qaybaheeda kala duwan lagala tashto maamul u samynta gobollada, In dib loo howl-galiyo goobihii caafimaadka, In bulshada lagu wacyi-galiyo sidii ay dowladda ugala shaqayn lahaayeen nabad galayada ayaa soo baxay kaddib warbixin laga dhageystay guddi wasiirro ah oo arintaan loo xilsaaray.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay jid-gooyooyin la sheegay inay kusoo bateen Muqdisho, waxaana wasiirradu ay isku raaceen in baaris lagu sameeyo si loo ogaado inay yihiin kuwo ammaan awgiis loo dhigay iyo kuwo gaadiidka lacago sharci-darro ah looga qaado.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa waxay ka hadleen hantida gaarka ah ee la kala haysto, sida beeraha iyo guryaha, waxaana goluhu ay soo saareen saddex qodob oo kala ah:

1. Inay danbi tahay in qof haysto hanti gaar loo leeyahay.
2. In cid kasta oo haysta hanti gaar ah ay deg-deg ugu celiso qofkii iska lahaa.
3. In hay’adaha amniga iyo kuwa cadaaladdu u howlgalaan sidii loo fulin lahaa qodobbada kor ku xusan.

Shirkan aan caadiga ahayn ee golaha wasiirradu ay yeesheen ayaa waxaa lagu soo beegay xilli uu ra'iisul wasaaruhu kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka, isagoo ka dalbaday inay soo dedejiyaan ergada ansixinaysa dastuurka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya