4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2012
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in howlgal ay sameeyeen kusoo Qabteen Walxaha Qarxa

Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Kaddib howlgal ay si wadajira ah uga sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ciidamada maamulka iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya ayay sheegeen inay kusoo qabqabteen walxaha qarxa iyo rag la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Afhayeenka mamulka gobollka Max’ed Nuur Cag-joof oo HOL la hadllay ayaa sheegay in howlgalku ahaa mid lugu sugayay amaanka magaalada, loogana hortagayay sida uu hadalka u dhigay falalka la xiriira qaraxyada, isaga oo intaa raaciyay in walxaha qarxa ee gacanta lagu dhigay ahaayeen kuwo laga soo saaray guri ku yaala mid ka mid ah xaafaddaha magaalada.

"Waxaan howlgalkaas ku qabanay rag ka tirsan Al-shabaab iyo walxaha rag aynu tuhunsanahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, gacanta ayaan ku heynaa baaris ayaana ku socta, haddii wax danbi ah lagu waayo waa la sii daneynayaa,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka.

Howlgalka ay ka sameeyeen ciidamada mamulka iyo kuwa Itoobiya magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili habeenimadii xalay qeybo ka mid ah magaalada laga maqlay qaraxyo iyo waliba rasaas is bar bar socta, ilaa haddana lama oga wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxyadaas xala ka dhacay magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya