6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay xoojinayso dagaalka ay Al-shabaab kula jirto ee ka socda gudaha Soomaaliya
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga ayaa ku hanjabay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo uu ku eedeeyay weerarro ka dhacay Gaarisa iyo afduubyada shaqaale gargaar oo ka tirsan hay'adda NRC.

Odinga wuxuu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay halkaas ka baxayn inta laga adkaanayo Al-shabaab, ayna Soomaaliya nabad ka noqonayso, isagoo ku daray hadalkiisa in Soomaaliya aan looga tagayn colaadaha 20-ka sano ka jiray .

"Waxaanu doonaynaa in Soomaaliya ay noqoto nabad, 500,000 ee qoxootiga ah ee ku sugan Dhadhaabna dib loogu celiyo halkaas," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Kenya oo shalay booqday magaalada Gaarisa oo maalin ka hor lagu dilay 17-qof oo lagu weeraray kaniisado.

Ra'iisul wasaaraha Kenya ayaa hadalkan ka sheegay goob uu kula hadlayay dad isugu jira muslimiin iyo kirishtaan ku nool Gaarisa, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Kenya, Kalonzo Musyoka iyo wasiirka difaaca isla markana ah sii haya wasaaradda ammaanka gudaha ee Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Kenya, wuxuu shacabka dalkiisa ka dalbaday inay u istaagaan sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada ammaanka loogana hortegi lahaa falalka la mid ah kuwii ka dhacay Gaarisa ee dadka badan ay waxyeellada kasoo gaartay.

"Waa mid la ogyahay in Al-shabaab ay si rasmi ah ugu biirtay Al-Qaacida, sidoo kale waxay xiriir la leeyihiin kooxda Boko Haram ee dalka Nayjeeriya, qorshahooduna waa inay dhibaatooyin ka abuuraan qaaradda afrika oo dhan," ayuu yiri Odinga.

Hoggaamiyeyaasha Muslimka Kenya oo iyaguna ka hadlay kulan ka dhacay Gaarisa ayaa cambaareeyay fallkii dhacay iyagoo sheegay in diinta Islaamku aysan ogoleyn in dhibaatadaas oo kale la sameeyo, balse falkaas uu ahaa mid argagaxiso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/3/2012 9:38 AM EST
Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii lagu qaaday magaalada Gaarissa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee Soomaalida.

7/3/2012 9:25 AM EST
Waxaa lagu soo gaba gabeeyay Xabsiga Dhexe ee Xamar Tartan loogu magac daray Todobaadka iyo Xornimada Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb galeen ilaa lix kooxood oo wada ciyaaray ciyaaro is arag ah.

7/3/2012 8:58 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay maanta oo Talaado ah saddex dhallinyaro rag ah oo laba ka mid ah ay xirnaayeen dharka dumarka dhacna u geysanayay dukaan ku yaalla suuqa labaad ee Muqdisho ugu weyn (Suuq Bacaad).

7/3/2012 8:37 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Munaasabado si heer sare loosoo agaasimay ayaa si gooni-gooni ah uga kala dhacday degmooyinka degmooyinka Baydhaba, Berdaale, Qasax-dheere iyo deegaanka Daynuunaay oo dhammaantood ka tirsan gobolka Bay.

7/3/2012 7:25 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Maamulka tuulada Xiriiro oo ka tirsan gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada badda Puntland ay deegaankaas ku dileen laba qof oo shacab ah, sideed kalena ay ku dhaawacyo u geysteen.

7/3/2012 7:09 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Raas-kambooni oo ka dagaalanta gobollada Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG, kuwa Raas-kambooni iyo militariga Kenya ay hadda ku jiraan diyaar-garow ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku weeraraan goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

7/3/2012 4:19 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Hay'adda caawisa qoxootiga ee fadhigeedu yahay dalka Norway (NRC) ayaa sheegtay inay joojinsay howlihii samafalka ahaa ee ay ka wadday xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kaddib afduubkii loo geystay afar shaqaalaheeda ka mid ah oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ay xoog kusoo furteen.

7/3/2012 3:45 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku toogtay xalay taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska Puntland, G/sare Cabdullaahi Saalax Nadaalo, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta loo dilay iyo cid dilkiisa ka dambeysay.