
"Howgal ay ciidamada booliiska sameeyeen ayaa lagu soo qabtay saddexdan ruux oo dhac u geysanayay dukaan ganacsi," ayuu yiri taliyaha saldhigga Yaaqshiid oo sheegay in maxkamad la horgeyn doono dhallinyaradaas.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada ayaa isaguna sheegay raggana lasoo qabtay ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab uuna mid ka mid ah aabbihii u sheegay inuu mar hore ka baxay, lana xiray inkastoo lasii daayay goor dambe.
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay halka lagu soo bandhigay saddex ruux oo qaarkood ay xirnaayeen dharka dumarka, kuwaasoo sidoo kalena xirnaa indho-shareer, waxayna tani fajaciso ku noqotay dadkii goobta isugu soo baxay.
Inkastoo dhallinyaradan aanay la hadlin saxaafadda ayaa haddana waxaa lagu soo bandhigay goobta qoryo ay wateen kuwaasoo la sheegay inay dhaca ku geysanayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya