4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Ciidamada badda Puntland oo lagu eedeeyay inay dad shacaba ah ku dileen Tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Maamulka tuulada Xiriiro oo ka tirsan gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada badda Puntland ay deegaankaas ku dileen laba qof oo shacab ah, sideed kalena ay ku dhaawacyo u geysteen.

Gudoomiyaha tuulada Xiriiro, Jeylaani Maxamed Ismaaciil oo la hadlyay idaacadda Horseed Media ee saldhiggeedu yahay boosaaso ayaa sheegay in falkaasi uu laba casho ka hor dhacay marakasoo ay ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa badda Puntland ay jihooyin badan la galeen tuuladaas.

"Ciidamadan waxay tuulada kasoo galeen dhowr jaho, waxayna rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob shaaha lagu cabo, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof sideed kalena ay dhaawacyo soo gaareen," ayuu yiri guddoomiyaha tuulada Xiriiro.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in labada qof ee rasaasta ku geeriyootay ay ahaayeen wiil yar iyo nin reer baadiye ah, dadka dhaawacmayna ay isugu jireen qaybaha kala duwan ee shacabka ku nool tuuladaas, wuxuuna xusay inay dadku billaabeen inay tuuladaas ka barakacaan.

"Markii aan taliska ciidamada badda ee Puntland u tagnay waxay noo sheegeen in dadkaasi ay ku dhinteen howlgal burcad-badeed lagula dagaalamayay," ayuu yiri Jeylaani isagoo intaas ku daray: "Tuulada Xiriiro waa la yaqaan xeebta 130-KM ayay u jirtaa... meel ay burcad-badeeddu ka baxaan ama isku urursadaanna ma ahan."

Guddoomiyaha tuulada Xariiro ee gobolka Bari wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland inay arrintaas soo fara-geliyaan, isagoo sheegay in haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban ay dhib weyn keeni karto.

Falkan oo muran badan dhaliyay ayaa keenay in shalay ay deegaankaas booqasho ku tagaan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Bari oo ay ku jireen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland.

Ciidamada badda Puntland oo ay tababarro siiso shirkad dhinaca ammaanka ka shaqeysao oo lagu magacaabo SARACEN ayaa waxay dhawaan fariisimo ciidan ka sameysteen deegaanno ku yaalla bariga fog ee maamulka Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya