4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Munaasabad lagu xusayay 01-da Luuliyo oo ka dhacay Baydhabo, Bardaale, Qansax-dheere iyo Deegaanka Daynuunaay

Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Munaasabado si heer sare loosoo agaasimay ayaa si gooni-gooni ah uga kala dhacday degmooyinka degmooyinka Baydhaba, Berdaale, Qasax-dheere iyo deegaanka Daynuunaay oo dhammaantood ka tirsan gobolka Bay.

Dadweyne fara badan ayaa si iskooda ah uga qaybgalay dabaal-dagga 1-da Luuliyo iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay muddo sannado ah oo degmooyinkaas laga xuso maalinta xoriyadda gobollada Koonfureed iyo israaca labada gobol ee ay ka koobnayd Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Magaaladdii ka dhacday Baydhabo ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka, taasoo ay ka qaybagleen wasiiro, xildhibaano, ururrada bulshada rayidka iyo xoogagga wadaniyiinta xaafadaha degmada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya.

Munasabada oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Dr Ayuub ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlya guddomiyaha Baydhabo, Xasan Macalin Axmed (biikole) oo ugu hambalyeeyay dadkii kasoo qaybgalay 01-da Luuliyo isagoo sheegay inay tahay maalin qiime weyn leh uuna ku faraxsan yahay in sannado badan kaddib laga xuso magaalada Baydhabo.


Xildhibaan, Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo isaguna munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa inuu aad ugu faraxsan yahay in shacbiga reer Baydhabo ay xusaan maalinta xorriyadda, isagoo sheegay in sidoo kale uu hambalyo u diray dadka ku nool degmooyinka kale ee gobolka ka tirsan oo iyagana laga xusay maalintan.

Guddoomiyaha gobolka Bay, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) oo isaguna ka hadlay munaasaddii loo sameeyay maalinta xorriyadda ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo nabadda iyo xasilloonida dalka, haddii taasi loo wada guntadana uu imaan karo dib u dhis lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo halkaas ka sheegay in dhaqaale badan oo gobolka loo ballan-qaaday, isagoo xusay in dib loogu dhiso doono garoonka diyaaradaha Baydhabo, garoonka kubadda cagta Dr Ayuub iyo wadooyinka magaalada.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca DKMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cali Catoosh wuxuuna ka sheekeeyay qiimaha xorriyaddu ay leedahay iyo halgankii loosoo maray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd gumeystayaashii haystay, isagoo u duceeyay intii u soo halgantay sidii uu dalku xor u noqon lahaa.

Col. Nagaasi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu ka qaybgalo xus loo sameynayo maalinta xorriyadda Soomaaliya.


“Markaan Baydhabo imaanaynay farxad baad nagu soo dhaweyseen, markaan gudano wajibaadkeenana farxad baad nagu sagootin doontaan, mana baxayno inta aan ka adkaanayno Al-shabaab... ilkaha ayaan ka siinaynaa, waxaana rajeyneynaa in dowladda Soomaaliya oo cago adag ku taagan aan dalkeennii ku laabanno,” ayuu yiri Col. Nagaasi.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay sarakaalka ugu sarreeya ciidamada AMISOM ee Baydhabo ku sugan oo u dhashay dalka Burundi isagoo sheegay inay farxadda la qaybsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

"Sida muuqata oo wejiyadiina aan ka akhrisan karo farxad baad isugu soo baxdeen; farxadiina iyo xorriyaddiina waa inaad ku ilaashataan nabad iyo xasillooni innagana waxaan nahay walaalahiin idin garab-taagan... Soomaaliya ha noolaato, xoriyadda iyo farxadna ku waara," ayuu yiri Jen. Jeraal.

Munaasabadahan oo kale ayaa waxay ka dhaceen degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo degmooyinkaas oo dhan ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah oo gacan ka helaysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya