4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Carwo Buugeed Caalami ah oo lagu soo bandhigay Hargeysa (SAWIRRO)


Sabti, July 14, 2012 (HOL)- Carwadda caalamiga ah ee Buugaagta ee Hargeysa oo sanad walba la dhigo ayaa lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo xiisaynaya barnaamijyadda kala duwan ee ka socday hoolkaasi.

Bandhigan buugaagta waxa ka soo qaybgalay aqoonyahano, qorayaal, suxufiyiin iyo abwaano gayiga Soomaalidda iyo caalamkaba laga yaqaan, kuwaas oo buugaag kala duwan ku qoray afaf kala duwan.

Bandhigan oo lagu xoojinayo dhaqanka, af soomaalig iyo qoraalkaba ayaa waxa lagu soo bandhigay Buugaag badan oo soomaali iyo ajanabi ku qoran, waxa kale oo jira buugaag afka qalaad lagu turjumay iyo kuwa af soomaaliba loo turjumay, kuwaas oo dadweynuhu aad u xiisaynayaan.

Bandhigan oo toddobaad socon doona ayaa saddexda wakhtigaba ka socon doonna, aroortii, galinkii dambe iyo habeenkiiba, waxaan ka sakow buugaagtaasi hadalo ka jeedin doonna wariyeyaal caalami ah, qoraayaal wax ku qoray ingiriisi iyo af  soomaaliba.












Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland