Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax cabasho ah oo maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud halkaas oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca.
Dadweyne badan oo ka cabanayay xirnaashaha isbitaalka guud ee degmada ayaa waxay dibadbaxan ka hordhigeen illinka hore ee isbitaalka, iyadoo halka qof uu ku dhintay rasaas ay fureen ilaalada isbitaalkaas.
"Waxaan ka cabanaynaa waa xirnaashaha isbitaalka Dhuuso-mareeb; mana helno daryeel caafimaad. Isbitaal waxaa noogu sokeysa Guriceel," ayuu yiri C/qani Axmed Nuur oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa dhigayay.
Haween ka qaybqaadanayay dibadbaxa ayaa iyaguna sheegay in sababta ay u dhigeen dibadbaxa ay tahay si ay uga cawdaan xirnaashaha isbitaalka iyadoo ay caruurta iyo haweenka degmadaas ku sugan haysato xaalado caafimaad darro.
Isbitaalka degmada Dhuusomareeb ayaa wuxuu maalmo ka hor u xirnay muran soo dhexgalay hay'adda Chispa oo caawin jirtay isbitaalka iyo maamulka isbitaalkaas, taasoo keentay in hay'addu ku dhawaaqdo inay joojiso howlihii ay isbitaalkaas ka haysay.
Maamulka Ahlusunna ayaan weli ka hadlin dibadbaxii maanta, waxaase markii uu soo xirnay dibadbaxa gaaray goobta ciidammo fara badan oo ka mid ah kuwa Ahlusunna kuwaasoo sheegay inay baaris ku sameyn doonaan sababaha keenay in la dhigo dibadbaxa uu qofka rayidka ah ku dhintay.
Waa markii ugu horreysay oo shacabka ku nool degmada Dhuuso-mareeb ay isugu soo baxaan bannaanbax ay uga cabanayaan xirnaashaha isbitaalka degmadaas oo ay ku nool yihiin dadweyne fara badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Bannaanbax sababay dhimasho oo Maanta ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb
More News
- Carwo Buugeed Caalami ah oo lagu soo bandhigay Hargeysa (SAWIRRO)
- Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
- Madaxda DKMG Soomaaliya oo si Wadajir ah Odayaasha Dhaqanka uga dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergooyinka
- Ciidamada AMISOM oo Fariisin ka sameystay Xerada Laanta Buuro oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab (SAWIRRO)
- Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka oo rajo ka muujiyay inay guulo kasoo hoyn doonaan
- Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo u dabaal-dagay sanadkii labaad ee Aasaaska Jaamacadda (SAWIRRO)
- Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka oo Magaalada Kismaayo ku gubay Gaadiid siday Jaad
- Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in howgallo laga sameeyay Muqdisho lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan Al-shabaab
- Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho
- WHO oo walaac ka muujisay in Cudurka Daacuunka uu ku kordho Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in Caasimadda Somalia ee Muqdisho aanay wax gorgortan geli karin