4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayay xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qabanayo shirka ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaannada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Muqdisho ku yeeshay mas'uuliyiin ka socday dowladda KMG ah, AMISOM iyo xubno matalayay Qaramada Midoobay.

Kulankan oo lagu qabtay dugsiga tababarka booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka Muqdisho oo lagu wado in toddobaadka soo socda uu ka furmo shirka ansixinta dastuurka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud Xasan oo shirka guddominayay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka caasimadda si aysan u dhicin rabshado inta uu shirku socdo.

"Intii shirku socday waxaan diiradda saarnay iskuna afgaranay in la adkeeyo guud ahaan goobaha shirarka lagu qabanayo, sidoo kalena la xiro jidadka goobahaas soo gala," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in shirka ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ammaanka Qaranka, ayna kasoo baxeen qodobbo muhiim ah kuwaasoo ay ka mid yihiin la diwaangeliyo xubnaha shirarka ka qaybgalaya lana baaro cid walba oo goobaha shirarku ka socdaan tagaysa.

Dowladda KMG ayaa waxay horay u sheegtay in si KMG ah loo xirayo waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa dugsiga tababarka booliiska ee Iskool Bulisyo inta uu shirku socdo, lana dhigi doono waddooyinkaas ciidammo fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya