Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabqabtay dad badan oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta DKMG ah ayaa lagu sheegay in 89-qof oo ka mid ah dadkii la qabqabtay la ogaaday inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kuwaasoo ay sheegtay inay u xiran yihiin dowladda.
"Qorshaha howlgalladan waxay ahaayeen kuwo lagu sugayo ammaanka Muqdisho laguna wiiqayo awoodda Al-shabaab-Al-Qaacida, maadaama loo diyaar garoobayo soo dhaweynta ergada ansixinta dastuurka iyo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo wadada u xaareysa dowlad dhameystiran oo Soomaaliya ay yeelato," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda KMG ah.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howgalkan hoggaaminayay ayaa horay u sheegay in 500-qof lagu soo qabqabtay howgallada in ka badan 200-qofna lagu helay inay xiriir toos ah la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn waxa iska bedelay hadalkaas.
Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka dhacaya qaraxyo iyo iska-horimaadyo, iyadoo dowladdu ay sheegtay inay boqolaal qof lagu soo qabqabtay howgallo laga sameeyay degmooyinka dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka DKMG ay howlgallo ka sameeyay degmada Balcad iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo qayb ka ah sida ay hadalka u dhigeen howgallo lagu raadinayo Al-shabaab.
Ugu dambeyn, dowladda KMG ah waxay sheegtay inay ka go'an tahay sidii loo sii wadi lahaa howgallada lagu sugayo ammaanka inta uu noqonayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya mid la isku halleyn karo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in howgallo laga sameeyay Muqdisho lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan Al-shabaab
More News
- Carwo Buugeed Caalami ah oo lagu soo bandhigay Hargeysa (SAWIRRO)
- Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
- Bannaanbax sababay dhimasho oo Maanta ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb
- Madaxda DKMG Soomaaliya oo si Wadajir ah Odayaasha Dhaqanka uga dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergooyinka
- Ciidamada AMISOM oo Fariisin ka sameystay Xerada Laanta Buuro oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab (SAWIRRO)
- Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka oo rajo ka muujiyay inay guulo kasoo hoyn doonaan
- Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo u dabaal-dagay sanadkii labaad ee Aasaaska Jaamacadda (SAWIRRO)
- Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka oo Magaalada Kismaayo ku gubay Gaadiid siday Jaad
- Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho
- WHO oo walaac ka muujisay in Cudurka Daacuunka uu ku kordho Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in Caasimadda Somalia ee Muqdisho aanay wax gorgortan geli karin