Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay dalka Jimcihii shalay ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan ahayn wax gorgortan geli kara, sidoo kale wuxuu ku baaqay in la taageero hannaanka looga baxayo xiolliga KMG ah.
Shariif Xasan oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya, ayna ka hadli doonaan xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso.
"Magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya mana jirto cid muran gelin karta, laakiin ma ahan in la yiraahdo maxaa dastuurka loogu faahfaahin waayay maqaamka ay yeelanayso, taas waxaa ka hadli doona xildhibananada cusub ee imaanaya," ayuu yiri Shariif Xasan.
Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhicii ku yimid shirkii lagu ansixin lahaa dastuurka, isagoo sheegay in cillado farsamo uu dib ugu dhacay, balse dib u dhiciisa uusan sababin khilaaf.
"Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in la taageeraan geeddi-socodka lagu doonayo in dalka looga saaro KMG-nimada, dhawaan ayuuna furmi doonaan shirka ansixinayo dastuurka," ayuu yiri Shariif Xasan.
Ugu dambeyn, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in Soomaaliya ay ka baxdo wixii ka dambeeya bisha Ogoosto KMG-nimada ayna u gudubto dowlad joogto ah.
Marka laga yimaado hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ee ku aaddan in shirkii ansixinta dastuurka uu u baaqday cilado farsamo oo aan khilaaf ahayn ayay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanku sheegayaan in shirku uu u baaqday khilaaf ka taagan dastuurka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in Caasimadda Somalia ee Muqdisho aanay wax gorgortan geli karin
More News
- Carwo Buugeed Caalami ah oo lagu soo bandhigay Hargeysa (SAWIRRO)
- Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
- Bannaanbax sababay dhimasho oo Maanta ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb
- Madaxda DKMG Soomaaliya oo si Wadajir ah Odayaasha Dhaqanka uga dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergooyinka
- Ciidamada AMISOM oo Fariisin ka sameystay Xerada Laanta Buuro oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab (SAWIRRO)
- Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka oo rajo ka muujiyay inay guulo kasoo hoyn doonaan
- Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo u dabaal-dagay sanadkii labaad ee Aasaaska Jaamacadda (SAWIRRO)
- Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobollada Jubooyinka oo Magaalada Kismaayo ku gubay Gaadiid siday Jaad
- Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in howgallo laga sameeyay Muqdisho lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan Al-shabaab
- Sirdoonka Faransiiska oo sheegtay inuu weli nool yahay Sarkaal saddex sano ka hor looga afduubay Magaalada Muqdisho
- WHO oo walaac ka muujisay in Cudurka Daacuunka uu ku kordho Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose