4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Dhalinyaro Aqoonyahanno ah oo golaha Deegaanka Hargeysa ku eedeeyey dhul Boob iyo Musuqmaasuq


Talaaddo, July 10, 2012 (HOL)- Dhallinyaro Aqoonyahano ah oo ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa ayaa dawladda hoose ku eedeeyey in meelihii danta guud ahaa bililiqaysanayaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya wakhtigan kala guurka ah ee golaha deegaankii hore wakhtiga ka dhamaatay mid kalana la sugayo inuu bedelo.

Dhallinyaradan ayaa xukuumadda iyo madaxweynaha ka codsaday inay sexeexyadda qaarkoood ka joojiyaan dawladda hoose inta lagu jiro wakhtigan kala guurka ah oo wax badan is waydaarinayaa, musuqmaasuq badana ku kaceen.

Dhalinyaradan oo shirjaraa’id ku qabtay hotel Imperial ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in maamul xumadda iyo qorsho la’aanta dawlada hoose ugu tallogashay caasimadda Hargeysa ay gayeysiisay inay wadooyinkii magaaladdu cidhiidhi noqdaan, isla markaana aroorta hore ilaa tobanka habeenimo wadooyinka  magaaladu xidhiidhi noqdaan, taasina ay keentay markii dhulkii danta guud ahaa la iibiyey, isla markaana wadooyinkii lagu soo wadda durkay.

“waxaan u dirayaa madaxweynaha in 25 xildhibaan ee golaha deegaankii hore loo diro odhat baadha ka dibna 25 nin maxkamad la soo taago, eeddaas aan ku eedeenayaana ay tahay dhulkii danta guud oo ay naafeeyeen, baryahan dambe markii ay dhacday in gole cusubi ku soo socdo golaha deegaanka, golihii hore ee deeganku galkii ayey seefta ka saareen, waagu marka uu baryo Cagafcagafyo ayaa magaaladda Hargeysa hareeraheedda u kala baxa, cagafyadaasi beerihii inoo ahaa kaydka ayey ku sameeyaan qorshe magaalo, muhiimadda laga leeyahayna ay tahay in danta guud la iibsado, beer walba danta guud laga jaro”ayuuu yidhi Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Gadhle) oo ka tirsan dhalinyaradda Magaaladda Hargeysa.


“Dhulkii kaydka dadka ka dhexeyn lahaa ee garoomadda laga samayn lahaa, goobaha amniga, goobaha caafimaad laga samayn lahaa, goobo marka loo baahdo wax lagu qabsan karo laga samayn lahaa, taas imika waxa ka socda afarta jaho ee caasimadda dad ganacsato oo iibsanaya”ayuu raaciyey Aqoonyahan Gadhle oo sheegay inuu ka xunyahay mustaqbal xumadda la gayeysiinayo dhulkii danta guud ahaa ee magaaladdu yeelan lahayd.

Sidoo kale, dhalinyaradani waxay taageereen nin dhalinyaro ah oo musharax u ah golaha deegaanka Hargeysa, waxaanay sheegeen ninkaas dhalinyarada ah ay ku taageerayaan qorshaha cusub ee uu la yimid iyo buugga uu ka qoray qorshaha shanta sanno ee soo socda ee magaaladda laga dhigi doono.

 “musharaxan dhalinyarada ahi waxa uu soo jiitay quluubta dad badan oo aan aqoon oo aan anigu ka mid ahay, dhalinyarada halkan fadhiya ka mid tahay, dadkayaga halkan fadhiya waxa na kulmiyey hal dareen oo ah in qabyaaladda laga tirtiro, waxaanu musharaxu sheegay qofkii qabiil ugu codaynay in aanu codkiisa u baahnayn”ayuu yidhi Gadhle oo ka codsaday dhalinyaradda inay codkoodda siiyaan wiilkaasi dhalinyarada ah.

 Dhalinyaradan oo kala ah Cabdilaahi Cismaan Gadhle, Maxamed Aadan Cabdi, Maxamed Xasan Cabdi, Cabdirashiid Maxamed Jaamac, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil oo dhamaantood ka hadlay danta guud iyo waxa laga yeelayo, taageero weyna u muujiyey musharaxaha golaha deegaanka u sharaxan ee Maxamed Jaamac oo ah  nin dhalinyaro ah oo u tartamaya golaha deegaanka Hargeysa.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland