4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Hoobiyeyaal lagu weeraray Degmad Baydhabo iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidanka oo laga dareemayo Magaaladaas
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta lagu weeraray hoobiyeyaal kuwaasoo ku dhacay suuqa xoolaha Baydhabo, iyadoo sidoo kalena laga dareemayo degmada dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in hoobiyeyaasha ay dileen xoolo u badnaa ari oo la doonayay in suuqa lagu iibiyo, inkastoo aysan jirin khasaare dad oo ka dhasha madaafiicdaas.

"Hoobiyeyaashu waxay ahaayeen saddex waxayna ku dhaceen suuqa, waxaan filaynaa inay soo tuureen xoogagga Al-shabaab oo aan ka fogeyn degmada. Dhowr neef oo ari ah ayaa ku dhintay," ayuu yiri ganacsade ku sugnaa suuqa xoolaha ee Baydhabo oo la hadlay HOL.

Shacabka ku nool degmada Baydhabo ayaa sheegay in hoobiyeyaashu ay ahaayeen kuwo jugtooda laga maqlay magaalada oo dhan, iyadoo degmadaas ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxay gacanta Al-shabaab oo ka talinaysay saddex sano ay ka baxday bishii Feberaayo ee sannadkan, iyadoo tan iyo xilligaas ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay mas'uuliyooda sheegato Al-shabaab.

Dhanka kale, waxaa laga dareemayaan degamda Baydhabo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah, kuwaasoo lagu sheegay inay yihiin kuwo ay isugu diyaarinayaan sidii ay u tegi lahaayeen goobaha ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya