Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, xilli uu ku socday gurigiisa, waxaana kooxaha dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadaan halkaas.
Guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hillowle oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dilkaas ay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan, ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo.
"Sarkaalka waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamed Muuse waxaana la dilay isagoo ka yimid meel ciyaar lagu fiirsanayay, waxaana dilay kooxo bastoolado ku hubeysan oo baxsaday dilka kaddib," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dharkeynley.
Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga galbeed, iyadoo ay saakay degmadaas ka socdaa baaritaanno lagu raadinayo kooxihii dilka sarkaalka geystay, inkastoo aysan weli jirin koox sheegatay mas'uuliyadda dilkaas.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday ka dhacayay dilal qorsheysan oo lala bartilmaameedsanayo dadka shacabka, suxufiyiinta, shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay mas'uul ka tahay dilalka loo geysto shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada, balse ma jirto cid sheegata inay mas'uul ka tahay dilalka saxafiyiinta iyo shacabka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo hubeysan oo degmada Dharkeynley ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga DKMG Soomaaliya
More News
- Dab khasaare geystey oo qabsaday mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Boosaaso (SAWIRRO)
- Mark Bowden iyo wafdi uu horkacayo oo Garowe gaaray, lana kulmay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole
- Dhalinyaro Aqoonyahanno ah oo golaha Deegaanka Hargeysa ku eedeeyey dhul Boob iyo Musuqmaasuq
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Danjire Augustine Mahiga oo Maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan
- Markab weyn oo xoolaha qaadda oo xalay dab ku qabsaday Dekadda Berbera oo lagu guuleystay in la badbaadiyo
- Hoobiyeyaal lagu weeraray Degmad Baydhabo iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidanka oo laga dareemayo Magaaladaas
- Shacabka Muqdisho oo laga dalbaday inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo Dastuurka Cusub
- Danjire Augustine Mahiga oo ka digay in la carqaladeeyo dadaallada ay Soomaaliya uga baxayso xilliga KMG ah
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo Odayaasha Dhaqanka ka codsaday inay faraha kala baxaan Ansixinta Dastuurka Qabyada ah
- Militariga Kenya oo Howlgallo Xiliyada Habeenkii ah ka Bilaabay Xaafadda (Estleigh) Islii ee Magaalada Nairobi
- Mursharax Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo ku baaqay inaan la carqaladeyn geeddi-socodka xilliga kala-guurka
- Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo sheegay in qofkii dil geysta agu dili doono halka uu dilka ku geystay