4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Mursharax Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo ku baaqay inaan la carqaladeyn geeddi-socodka xilliga kala-guurka
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska murashaxa madaxweynenimo ee Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) ayaa looga digay inaan la carqaladeyn geeddi-socodka xilliga kala-guurka ah ee socda.

Murashaxa ayaa warkiisa ku sheegay in dalka Soomaaliya uu mrayo marxalad adag iyo xilli kala-guur ah, taasoo  looga gudbi karo wadajir, isfaham iyo dareen qarannimo oo mideysan.

"Waxaa hadda lasoo gaaray xilligii la dhameystiri lahaa hawlaha muhiimka ah ee tubta geedi-socodka kala guurka,si looga mira-dhaliyo isbedel horseedi kara nabad waarta," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maalmahan ay soo ifbaxayaan muranno cusub oo carqaladeyn kara taaba-gelinta qoddobada isdaba-joogga ah ee lagu dhameystirayo hawlaha loogu gudbayo  xilliga ku-meel-gaarka ah. Iyadoo lagu yiri warkan: "Waxaa tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya burburtay la soo hadal-qaaday muran ku saabsan waxyaabo aan dadka Somaaliyeed isku diidaneyn sida in caasimadda Soomaaliyeed ay tahay magaaladda Muqdisho." 

Ugu dambeyn, murashaxu wuxuu warsaxaafadeedkiisa kusoo gabgabeeyay qodobbo ay ka mid yihiin:
  1. In odayaasha dhaqanka loo daayo gudashada waajibaadkooda shaqo.
  2. 2. Inaan muran la gelin astaamaha midnimada qaranka sida: Calanka, caasimadda iyo wixii la mid ah.
  3. In dib loo dhigo dhamaan qodobada is maan-dhaafka cusub dhaliyay sida qodobka 73-aad ee qabyo-qoraalka dastuurka oo qeexaya in la sameeyo golle sare oo ka kooban (54) oday lagana soo xulli doono 18-ka gobol ee ay Soomaaliya ka koobanayd waqtigii ugu dambeeysay dowladdii dhexe 1991-kii.
  4. In laga hor-tago dhammaan wax kasta oo horseedi kara dib-u-dhac ku yimaadda waqtiga qabsoomida doorashooyinka iyo ka bixidda xilliga KMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya