Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Sooamaliya, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan Dheg-badan) oo ka hadlay falalka dilka ah ee ka dhaca degmooyinka Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in qofkii dil geysta ama tuute ha wato ama yuusan wadane lagu dili doono halkii uu dilka ku geystay.
Jen. Dhego-badan ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay hoteelka Lafaweyne ee magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlayay ammaanka caasimadda Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
"Qofkii dil geysta isna waxaa lagu dilayaa halka uu wax ku dilay," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo sheegay in qofka wax dilay aan loo eegayn inuu tuute xiran yahay iyo inuusan xirnayn, wxuuuna xusay in sharciga uu si isku mid ah u qabanayo.
Taliye ku xigeenka milateriga ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan shaqsiyaad aan la ogeyn cid ay la shaqeeyaan oo dilal, isagoo waxgaradka Muqdisho ku boorriyay inay waddada hagaagsan ku toosiyaan wiilashadoo, halkii markii dambi lagu helo ay dadaal u geli lahaayeen in xukunka uu ka baaqdo.
"Wiilashiinna inaad marka hore ceshataan ayaa la doonayaa... haddii uu dembi galo ayay inta badan waalidiintu u calaacalaan wiilashooda iyagoo ka dhigaya kuwo aan dambi lahayn, taasina ma soconayso... qabiil-qabiilna waa laga gudbay," ayuu yiri Jen. Dhego-badan
Madaxda dowladda KMG ah ayaa horay u sheegay in ruuxii dil geysta lagu xukumi doona halka uu dambiga ku galay isla goobtana sharciga lagu marsiin doono, basle weli ma dhicin in ruux dil geystay lagu dilo halkii uu dilka ku geystay.
Hadalka abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Muqdisho ay ka socdaan howgallo lagu sugayo ammaanka, iyadoo degmooyinka qaarkoodna ay ka dhacayaan dilal qorsheysan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo sheegay in qofkii dil geysta agu dili doono halka uu dilka ku geystay
More News
- Dab khasaare geystey oo qabsaday mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Boosaaso (SAWIRRO)
- Mark Bowden iyo wafdi uu horkacayo oo Garowe gaaray, lana kulmay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole
- Dhalinyaro Aqoonyahanno ah oo golaha Deegaanka Hargeysa ku eedeeyey dhul Boob iyo Musuqmaasuq
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Danjire Augustine Mahiga oo Maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan
- Markab weyn oo xoolaha qaadda oo xalay dab ku qabsaday Dekadda Berbera oo lagu guuleystay in la badbaadiyo
- Hoobiyeyaal lagu weeraray Degmad Baydhabo iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidanka oo laga dareemayo Magaaladaas
- Shacabka Muqdisho oo laga dalbaday inay gacan ka geystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo Dastuurka Cusub
- Danjire Augustine Mahiga oo ka digay in la carqaladeeyo dadaallada ay Soomaaliya uga baxayso xilliga KMG ah
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo Odayaasha Dhaqanka ka codsaday inay faraha kala baxaan Ansixinta Dastuurka Qabyada ah
- Militariga Kenya oo Howlgallo Xiliyada Habeenkii ah ka Bilaabay Xaafadda (Estleigh) Islii ee Magaalada Nairobi
- Mursharax Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo ku baaqay inaan la carqaladeyn geeddi-socodka xilliga kala-guurka
- Kooxo hubeysan oo degmada Dharkeynley ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga DKMG Soomaaliya