
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaashii uu dhawaan soo magacaabay ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaasoo ka koobnaa 25-xubnood.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixinta ka hor waxay dood adag ka yeesheen wasiir ku xigeenada iyo wasiir-u-dowlayaasha; waxaana xildhibaanadu ay muujiyeen kala fikir duwanaasho adag, iyagoo ugu dambeyna cod la geliyay xubnaha cusub ee golaha wasiirada.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shir-gudoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta isagoo sheegay in 138 mudane ay ogolaadeen wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha, iyadoo ay diideen 12 xildhibaan oo keliya, mana jirin cid aamustay.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha la ansixiyay maanta ay yihiin kuwo howshooda wadan kara, iyadoo lagu dhaariyay xubnahaas oo dhan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ku dhaarteen inay ku shaqeyn doonaan si waafaqsan sharciga dalka.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiiradiisa iyo ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha ayaa la kala ansixiyay sadex jeer, waxaana tani ay ka dhigaysaa markii ugu horeysay oo baarlamaan Soomaaliyeed uu sadex jeer kala ansixiyo golaha wasiirada oo uu ku jiro ra'iisul wasaaraha.
Xukuumada Soomaaliya oo shaqeyn doona afarta ee soo socta ayaa waxaa hor-yaala howlo fara badan oo ay ka mid yihiin inay dalka kusoo rogto amaan iyo inay dib u dhis ku sameyso dalka kadib labaatan sano oo burbur ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,Soomaaliya
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha Xukuumadda
More News
- Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xasilinta Muqdisho, Qorshaha Jubbooyinka iyo Wadahadallada Somaliland
- Nabaddoon muddo Toddobaad ah ku xirnaa Magaalada Garoowe ee Puntland oo Maanta dib u helay Xoriyaaddiisa
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Adeeg Internet oo 3G ah, kaasoo aan horay uga jirin Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqday inay Caawiyaan Dadka ku dhibaatysan Jubbada Hoose
- Dab geystay khasaare isugu jirta naf iyo maal oo kacay deegaanno ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
- Xildhibaanno cusub oo loo dhaariyay kuraas ay iska casileen laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya
- Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray Jid laami ah oo laga hirgaliyey Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa
- Hay'adda MSF oo muujiyay walaaceeda ku aaddan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta Xeryaha Dhadhaab-Kenya
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la sii wado Adeegyada ee uu Isbitaalka Baladweyne u hayo Bulshada
- Safiirka Yemen ee Somalia oo Puntland soo gaaray iyo Bad-maaxiin dalkaas u dhashay oo shalay Boosaaso ka dhoofay
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka Magaalada Tripoli ee Xarunta dalka Liibiya
- Mid kamid ah Nabaddoonnada Puntland ee Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo
- Dowladda Nayjeeriya oo heshiis ay Qayb uga noqonayso howgalka AMISOM la saxiixatay Ururka Midowga Afirka