
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khudbad u jeediyay maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: qorshaha dowladda ee Jubbooyinka, xasilinta Muqdisho, wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, wafdiyo ay dowladdu u dirayso gobollada dhexe iyo Puntland iyo mushaaraadka ay qaadanayaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Mudane Cabdi Saacid wuxuu khudbadiida ku sheegay inay xukuumadiisu ay diyaarisay 1,000 askari oo qalabkoodu u dhan yihiin kuwaasoo loogu talo-galay inay sugaan ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.
“Qorshaha aan ciidamadan u diyaarinay inaanay soo laaban isbaarooyinkii oolli jiray Muqdisho, waxaana rajeynaynaa in xukuumadda aan hormuudka u ahay ay noqoto mid adeegyadeeda gaarsiisa gobollada dalka oo dhan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale, ra’iilu wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdu ay ballanqaadayso inay gobollada Jubbooyinka oo dhan laga xoreeyo Xarakada Al-shabaab iyo inuusan dhiig dambe ku daadan magaaladaas.
“Wafdigii ay dowladdu u dirtay Kismaayo waxay soo qabteen howl weyn, dowladduna muddo dheer ayay ka shaqeynaysay sidii lagu horumarin lahaa gobolladaas” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in xukuumaddu ay wafdi ballaaran u diri doonto gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo sheegay in wafdigaas ay u kuur-gelidoonaan xaaladda dadka iyo sidii looga qaybqaadan lahaa horumarinta ammaanka iyo maamul u sameynta.
“Sidoo kale waan la soconnaa in Puntland nalaga jecel yahay oo nalaga sugayo waana ku tegi doonnaa waqtiga ugu habboon,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo markii ugu horreysay ka hadlay wafdi ay dowladdu u dirayso maamulka Puntland.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu billaabi doonaan wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo hakad galay xilliyadii ay socdeen doorashooyinka.
“Waxaan sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabi doonnaa wadahadalladii aan kula jirnay Somaliland, waxaana rajeynayaa in guul laga gaari doono,” ayuu yiri Saacid iyadoo xildhibaannada baarlamaanka ay aad ugu sacab-tumeen markii uu hadalkan ka dhawaajiyay.
Ra’iisul wasaare Saacid wuxuu soo hadal qaaday mushaaraadka ay qaadan doonaan xildhibaannada baarlamaanka, taasoo ku cad miisaaniyadda dowladda oouu ra’iisul wasaaruhu sheegay in berri la horgeyn doono baarlamaanka. Isagoo sheegay in mushaarka xildhibaan walba uu noqon doono 2740 doollar.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu khudbaddiisa kusoo xiray in xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad siinayso sidii ay dalka oo dhan ugu soo dabaali lahayd xasillooni iyo nabadgalyo buuxda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xasilinta Muqdisho, Qorshaha Jubbooyinka iyo Wadahadallada Somaliland
More News
- Nabaddoon muddo Toddobaad ah ku xirnaa Magaalada Garoowe ee Puntland oo Maanta dib u helay Xoriyaaddiisa
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha Xukuumadda
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Adeeg Internet oo 3G ah, kaasoo aan horay uga jirin Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqday inay Caawiyaan Dadka ku dhibaatysan Jubbada Hoose
- Dab geystay khasaare isugu jirta naf iyo maal oo kacay deegaanno ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
- Xildhibaanno cusub oo loo dhaariyay kuraas ay iska casileen laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya
- Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray Jid laami ah oo laga hirgaliyey Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa
- Hay'adda MSF oo muujiyay walaaceeda ku aaddan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta Xeryaha Dhadhaab-Kenya
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la sii wado Adeegyada ee uu Isbitaalka Baladweyne u hayo Bulshada
- Safiirka Yemen ee Somalia oo Puntland soo gaaray iyo Bad-maaxiin dalkaas u dhashay oo shalay Boosaaso ka dhoofay
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka Magaalada Tripoli ee Xarunta dalka Liibiya
- Mid kamid ah Nabaddoonnada Puntland ee Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo
- Dowladda Nayjeeriya oo heshiis ay Qayb uga noqonayso howgalka AMISOM la saxiixatay Ururka Midowga Afirka