4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Hay'adda MSF oo muujiyay walaaceeda ku aaddan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta Xeryaha Dhadhaab-Kenya

Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ka digtay khatar caafimaad oo ka dhalan karta xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkasoo aanu ka jirin adeeg caafimaad oo dabooli kara baahida halkaas ka jira, ihyadoo dowladda Kenya ay ku cadaadinayso in ka badan 100,00 oo ah Soomaali ku nool magaalooyinka waaweyn ee Kenya inay tagaan xeryaha qoxootiga.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo dalkooda ka cararay tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii dhexe sannadkii 1991-kii.

"Kaalmooyin laga bixiyo xeryaha Dhadhaab-Kenya runtii waa kuwo aan xilligan dabooli karin baahida dhinaca caafiamadka ah ee ka jirta halkaas," ayuu yiri Elena Velilla oo ah madaxa howlwadeennada MSF ee dalka Kenya.

Hey'adda MSF ayaa qoraalkeeda ku sheegtey in khataro xagga cafimaadka ah ay ka dhalan karaan xilli roobaadyada, iyadoo laga baqayo inay dillaacaan cudurrada safmarka ah ee kuwaasoo dhibaateyn kara dadka taagta daran ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab.



Tan iyo sannadkii hore xeryaha Dhadhaab waxay noqdeen goobo ammaankoodu aad u xun yahay, kaddib markii la afduubay shaqaale gargaar, sidoo kalena ay ka dhaceen weerarro isugu jira qaraxyo loo adeegsado bambooyinka gacanta iyo in la beegsado shaqaalaha gargaarka, taasoo keentay in hay'adaha samafalku ay isaga baxaan halkaas.

Dhanka kale, waxay ku baaqday in si shuruud la'aan ah lagu sii daayo laba shaqaale ah oo u shaqeynayay, kuwaasoo afduub ahaan loogu haysto gudaha Soomaaliya muddo hal sano ka badan.

Shaqaalaha MSF ee afduubka lagu hayso ayaa ah haween lagu kala magacaabo, Blanca Thiebaut and Montserrat Serra, waxaana haweenkan laga afduubay bishii Oktoobar ee sannadkii hore xerada Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab-Kenya.

Ugu dambeyn, hay'adda MSF waxay dib u xusuusatay laba shaqaale ah oo looga dilay Muqdisho sannadkii hore, kuwaasoo rag lagu kala magacaabi jiray, Philippe Havet oo 53-jir ahaa iyo Andrias Karel Keiluhu (“Kace”) oo 44-jir ahaa, kuwaasoo dilkooda uu ka dambeeyay nin Soomaali ah oo u shaqeynayay hay'adda MSF.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya