4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Xildhibaanno cusub oo loo dhaariyay kuraas ay iska casileen laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay maanta laba xidhibaan oo cusub, kuwaasoo bedelay xildhibaanno ka mid ahaa baarlamaanka oo iscasilay, iyadoo aan la ogeyn sababta keenta inay iska casilaan kuraastooda.

Mudanayaasha la dhaariyay ayaa waxay kala ahaayeen: Yaasiin Cabdi Seed oo lagu bedelay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdweli Maxamed Cali Gaas oo iska casilay xilkiisa iyo C/rashiid Muuse Nuur oo bedelay Xuseen Khaliif oo isaguna iska casilay xilkiisii baarlamaanka.

Lama sheegin sababihii keentay inay iscasilaan labadan xubnood oo laga soo xulay beelahooda xilligii baarlamaanka lasoo xulayay, sidoo kalena lama sheegin sida lagu keenay labada mudane ee boosaskooda lagu bedelay.

Dhaarinta kaddib ayay mudanayaasha baarlamaanku waxay gudo galeen doodo ku saabsan ansixinta wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha, waxaana doodda oo illaa iminka socota ay tahay mid adag oo ay xildhibaannadu si weyn ugu kala aragti duwan yihiin.

Xidhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay in isla maanta codka kalsoonida ah loo qaado xubnaha cusub ee golaha wasiirrada, halka ay mudayaal kale soo jeediyeen in la horkeeno baarlamaanka si markaas codka loogu qaado.

Warar hoose ayaa sheegaya in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax lagu wado in maanta uu hortago baarlamaanka si uu xildhibaannada u weydiisto inay codka kalsoonida ah siiyaan xubnaha cusub ee uu dhawaan kusoo daray golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay warbixin ka dhageysteen guddi loo saaray kasoo talo-bixinta heshiis ku saabsan in dowladda Turkiga ay tababarro u furto ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya