Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Wararka kasoo baxaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoog leh oo sababay khasaare naf iyo maalba leh uu ka kacay dhul keymo ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Maxaas.
Guddoomiyaha degmada Maxaas ee dowladda Soomaaliya Muumin Max’ed Xalane ayaa isaga oo ku sugan magaalada Baladweyne waxaa warbaahinta uga warbixiyay dab-ka iyo khasaaraha ilaa hadda la og-yahay ee ka dhashay.
Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in dabku uu kacay dhul keymo ah oo ay ku noolaayeen dad reer miyi ah, isaga oo intaa ku darray xiriir uu la sameeyay dadka ku dhaqan deegaannadaas u sheegeen in ay jiraan dhamashada dad iyo duunyo intaba sidoo kalana dabku uu baabi’iyay aqlo ama guryo ay dhowr ah oo ay degnaayeen dadka reer miyiga ah.
‘’Runtii dhul ballaaran ayuu ku fiday dabka dhimashada caruur waa naloo sheegay inkastoo aynu tiro rasmi ah ilaa iyo hadda heynin, sidoo kale tiro xoolo ah oo dabka ku dhintayna waa ay jiraan, saacado badan ayuu dabku socday inkastoo hadda la damiyay,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha degmada Maxaas ee dowladda Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee uu ka dhashay dabka, hasse ahaatee dadka reer miyiga ah waxaa caado u ah marka la gaaryo xiliyada habeenkii ay shitaan dab si loo ogaado in goobtaasi reero degan yihiin, waxaana suuragal ah in dabeysha xiliyada habeenkii soo dhacda sahashay in uu dabku qabsado dhulka keymaha ah.
Degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan waxaa hadda maamulkeeda gacanta ku haya kooxda Al-shabaab oo ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin dabka la sheegay in uu ka kacay deegaannada hoos taga degmada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Dab geystay khasaare isugu jirta naf iyo maal oo kacay deegaanno ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
More News
- Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xasilinta Muqdisho, Qorshaha Jubbooyinka iyo Wadahadallada Somaliland
- Nabaddoon muddo Toddobaad ah ku xirnaa Magaalada Garoowe ee Puntland oo Maanta dib u helay Xoriyaaddiisa
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha Xukuumadda
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Adeeg Internet oo 3G ah, kaasoo aan horay uga jirin Muqdisho
- Dowladda Soomaaliya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqday inay Caawiyaan Dadka ku dhibaatysan Jubbada Hoose
- Xildhibaanno cusub oo loo dhaariyay kuraas ay iska casileen laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya
- Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray Jid laami ah oo laga hirgaliyey Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa
- Hay'adda MSF oo muujiyay walaaceeda ku aaddan khatarta caafimaad ee ka dhalan karta Xeryaha Dhadhaab-Kenya
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la sii wado Adeegyada ee uu Isbitaalka Baladweyne u hayo Bulshada
- Safiirka Yemen ee Somalia oo Puntland soo gaaray iyo Bad-maaxiin dalkaas u dhashay oo shalay Boosaaso ka dhoofay
- Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhintay shil ka dhacay duleedka Magaalada Tripoli ee Xarunta dalka Liibiya
- Mid kamid ah Nabaddoonnada Puntland ee Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo
- Dowladda Nayjeeriya oo heshiis ay Qayb uga noqonayso howgalka AMISOM la saxiixatay Ururka Midowga Afirka