3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa qabsoomi la’aanta Doorashooyinka golaha deegaanka ku eedeeyey madaxweynah Somaliland, maadaama oo ay waajib ku tahay buu yidhi inuu suurtogaliyo dhicitaanka doorashaddaasi.

“Doorashada dowladaha hoose waa tan ugu muhiimsan uguna baaxad weyn doorashooyinka dalka ka dhaca. Waa seeska Dimuqraadiyadda Somaliland. Waxaa doorashadan ka abuurma xildhibaanada golayaasha deegaanka iyo saddexda Xisbi Qaran, waxayna gogol xaadh u tahay doorashada Madaxtooyada”ayuu yidhi gudoomiyaha ururka UMMADDA Gaboose, waxaanu intaas ku daray  “ Waxa nasiib-darro ah, in doorashadii dawladaha hoose ee ugu horeysey uguna danbeysey ay ka qabsoontay dalka 2002-dii taasoo laga dheehan karo inay muddo dheer golayaasha deegaanku ku fadhiyaan, kuna maamulaan dalka sharci-darro. Waxay noqdeen aalad u nugul musuqmaasuqa iyo in looga taliyo Qasriga Madaxtooyada, taasoo ka saartay meesha madaxbanaanidoodii iyo la xisaabtankii dadweynaha”.

Gaboose waxa uu sheegay in haddii doorashadani golaha deegaanku dib u dhacdo ay keenayso inay doorashadda baarlamaanka iyo madaxtooyaduna dib u dhacdo taas oo wakhtigii uu madaxweynuhu mucaaraad aha aad uga soo hor jeesan jiray.

“Waxaase xilka iyo waajibka Dastuuriga ahi ka saaran yahay madaxweynaha inuu sugo qabsoomidda doorashooyinka dalka xilligii loo qorsheeyey, keenana dhaqaalaha ku baxaya, dhamaystirana shuruucda doorashooyinka, diyaariyona jawi nabadgelyo iyo xasilooni ah oo ay doorashooyinku ku dhici karaan si xor ah oo xalaal ah”ayuu ku canaantay madaxweyneha gudoomiyaha ururka ummadda.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in dadaal badan ay galeen guddida Doorashooyinku, balse ay la kulmeen caqabado badan oo farsamo iyo culays dhaqaale oo kaga yimid tirada ururada iyo asxaabta oo aad u badan iyo isbedelka habka doorashada ee loo guurey liiska furan oo ah in musharax kastaaba gaarkiisa u tartamo.

Gaboose waxa uu sheegay in qorshihii ay soo jeediyeen guddida Doorashooyinku ay ku diideen labadda gole ee baarlamaan, isla markaana ay ahayd inay qadariyaan talooyinka ay soo jeediyeen guddidu.

“Maaha in Komishanka Qaranku Dhibane u noqdo oo ku dhexwareego xafiisyada Nairobi, Madaxtooyada iyo kuwa Golayaasha Qaranka iyadoo ay tahay adiga waajibkaagii Qaran, dhirindhirinta dhammaan hawlaha suurto-gelinaya doorashadu inay waqtigeedii ku qabsoonto”ayuu mar kale ku dhaliilay Gaboose madaxweynaha .

Gudoomiyuhu waxa uu madaxweyne ku eedeeyey inuu doonayo inuu wakhti siyaasado ah kursigii ku sii fadhiyo maadaama oo ahmiyad weyn aanu saareen inay doorasho dalka ka dhacdo “waxay bulshadu xog-ogaal u tahay muhiimadda gaarka ah ee aad siinaysid wadahadalka Somaliya iyo Sheikh Shariif, balse waxanu tuhunsannahay, iskabadaa dedaale, inaad dooneyso in doorashadu dib u dhacdo, si aad maalmo sharci-darro ah mustaqbalka u sii joogtid”.

Gaboose waxa uu madaxweynaha usoo jeediyey inuu soo kala dhexgalo baarlamaanka iyo guddidda Doorashooyinka ee isku khilaafsan qaabka doorashadda, maadaama hawlihii doorashooyinku u xaniban yihiin, isla markaana jadwalkii komishanka doorashooyinku sameeyeen uu noqdo mid midho dhalla, isagoo ku guubaabiyey in mudadii uu hore madaxweynuhu u sheegay inay doorashadu dhacayo ee sanadkan 2012ka kaga dhabeeyo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
8/4/2012 6:10 PM EST
Sabti, August 04, 2012(HOL): Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.

8/4/2012 2:15 PM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida.

8/4/2012 8:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista xidhibaanada inay ugu dambeyn berri oo Axad ah soo gudbiyaan magacyada xildhibaannada baarlamaanka soo socda.

8/4/2012 8:00 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay dhigayeen dadweynaha ku nool degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay degmadaas, kasaoo ay uga cabanayeen dhac ay sheegeen inay ciidamada dowladda KMG ah geystaan.

8/4/2012 7:35 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka SSCD oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay qiimeyntii guddidda Diiwaangelintu samaysay u magacaabay wasiirudawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga Somaliland.

8/4/2012 7:26 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Howgallo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ka sameynayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay kusoo qab-qabteen askari dhaca u geysanayay dadka shacabka ah, iyadoo dhowr askari oo kalena lagu dilay howgalkaas.

8/4/2012 7:16 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay xaafado badan oo magaaladaas ka tirsan laga maqlayay daryanka madaafiic iyo hub culus oo ka dhacayay dhanka deegaanno xeebta ku beegan ee hoostaga magaalada Kismaayo.

8/4/2012 7:07 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheer ee gobolka Bay, iyadoo tiro inaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

8/4/2012 5:51 AM EST
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay saakay la wareegeen iyagoo gacan milateri ka helaya ciidamada AMISOM garoonka diyaaradaha KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose.

8/4/2012 4:55 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Qarax shalay maqribkii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay ku noolyiin kumannaan Soomaali ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan.

8/4/2012 3:50 AM EST
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xaflad casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga ganactada xaafada Islii ayaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya loogu sameeyay Hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.