Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay dhigayeen dadweynaha ku nool degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay degmadaas, kasaoo ay uga cabanayeen dhac ay sheegeen inay ciidamada dowladda KMG ah geystaan.
Dibadbaxayaasha ayaa waxay sheegeen in ciidamada DKMG Soomaaliya ay xilliyada habeenkii ah u geysataan dhac baahsan, iyagoo xusay in xalay la dhacay bakhaarro ku yaalla Suuqa Xoolaha, taasoo ay sheegeen inaysan u adkeysan karin.
"Ciidamada dowladda KMG ah waxay xalay jabsadeen bakhaarro ku yaalla Suuqa Xoolaha, iyagoo agabkii yaallay ku rartay gaadiid ay wateen," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dibadbaxa dhigayay oo saxaafada la hadlay.
Bannaabaxayaal kale oo iyaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ciidamada DKMG ah ay kufsi u geystaan haweenk xiliyada habeenkii, iyagoo sheegay inay ka doonayaan dowlada inay damaanad-qaaddo ammaankooda.
"Goobihii ganacsiga oo dhan waan xirnay, waayo waxaan doonaynaa inaan muujinno shucuurteenna ku aaddan dhibaatada nalagu hayo," ayuu yiri dibadbaxe kale, balse ma jiro hadal weli kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa ahayd markii dibadbax noocan oo kale ah uu ka dhacay degmadaas, inkastoo aysan saraakiisha dowlada ka hadlin, waxaana ay ka mid tahay degmadan degmooyinka ku yaala dhinaca waqooyi ee Muqdisho.
Dhanka kale, ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa maanta ku toogtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha wiil arday ah oo u socday jaamacad, waxaana uu dilkiisa yimid kadib markii ay ka shakiyeen ciidamada dowlada oo howlaglo lagu sugayay amaanka kawaday suuqaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
More News
- MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
- Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
- Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
- Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
- Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
- Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
- Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
- Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)