Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka SSCD oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay qiimeyntii guddidda Diiwaangelintu samaysay u magacaabay wasiirudawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga Somaliland.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa lagu sheegay xilkaasi cusub ee loo magacaabay Kayse Cabdi Yuusuf.
“ Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012 ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.”ayaa lagu yidhi war-saxafadeedkaasi.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu arkay baahi loo qabo Xallinta khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgalyadda iyo siyaasadda Gobolladda Bariga Somaliland, taasina ay keentay in la abuuro jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga oo hoos iman doonta Madaxweynaha.
Kayse Cabdi Yuusuf ayaa hore waxa uu ahaa madaxda ururka SSC ee dagaalka kula jiray Somaliland, ka dibna waxa uu sheegay inuu nabad qaatay waxaanu aasaasay urur siyaasadeed la yidhaa SSCD, kaas oo ka qaybgalay is reebreebkii ururada, waxaanu ka mid noqday sagaalkii urur ee ku hadhay qiimeynta laga rabay ururadda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
More News
- MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
- Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
- Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
- Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
- Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
- Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
- Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
- Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)