Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay saakay la wareegeen iyagoo gacan milateri ka helaya ciidamada AMISOM garoonka diyaaradaha KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose.
Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ah taliyaha ciidamada DKMG ah ee ka dagaalamaya gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan la kulmin wax dagaallo ah, ayna haatan ku sugan yihiin garoonka iyo goobo ku dhow-dhow.
"Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa saakay ka dhaqaaqay xerada Laanta-buuro oo bishii hore ay qabsadeen, waxaan u suuro-gashay inay la wareegaan garoonka KM-50 iyo tuulooyin agagaarkiisa ku yaalla," ayuu yiri Jen. Gacma-duulle.
Sidoo kale, jeneraalku wuxuu sheegay in dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab ay dhowr goobood kasoo tuureen rasaas, balse ay markii dambe iska carareen, wuxuuna rajo ka muujiyay inay horay uga sii socon karaan goobihii ay saakay la wareegeen.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in xeelad dagaal ay uga baxday deegaannada ay la wareegeen ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , iyadoo dad goobjoogayaal ah laga soo xigtay inay arkeen ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee AMISOM oo ku sugan agagaarka garoonka KM-50.
Garoonka diyaaradaha ee KM-50 ayaa wuxuu 50-km dhinaca koonfureed kaga beegan yahay magaalada Muqdisho, wuxuuna 20-km u jiraa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo garoonka oo ahaa mid laga dajin jiray jaadka uu sannadihii ugu dambeeyay ahaa mid aan shaqeynayn.
Deegaannada ay ciidamada dowladdu saakay la wareegeen ayaa waxay noqonayaa goobihii ugu horreeyay oo si aad ah uga fog Muqdisho oo ay oo ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Midowga Afirka kala wareegaan Al-shabaab oo muddo gacanta ku haysay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo saakay la wareegay gacan ku haynta Garoonka diyaaradaha KM-50
More News
- MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
- Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka UMMADDA oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qabsoomid la’aanta Doorashooyinkiii Golaha Deegaanka Somaliland
- Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo dalbaday in ugu dambeyn berri lasoo gudbiyo magacyada Xidlhibaannada
- Shacabka Degmada Huriwaa oo Maanta dhigay Dibadbax ay uga Cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan Ciidamada DKMG ah
- Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
- Howlgallo ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo lagu soo qabqabtay askar kuwo kalena lagu dilay
- Daryanka Madafiicda culus oo Xalay laga Maqlayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Dagaal culus oo ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degmada Qansax-dheere
- Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)