4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Faahfaahinta dheeraad oo kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii (Eastlight) ee Magaalada Nairobi
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Qarax shalay maqribkii ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay ku noolyiin kumannaan Soomaali ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan.
 
Hal qof oo qaraxa ku dhintay ayaa qaar kamid ah warbaahintu ay ku sheegeen inuu ahaa naftii hure doonayay inuu isku qarxiyo gagida milatariga ee kulaasha xaafada Islii.
 
Qaraxan oo ay ku dhaawacmeen 6 qof ayaa qaar kamid dadkii goob joogayaasha ahaa oo la hadlay warbaahinta ay ku tilmaameen inuu ahaa bam gacmeed laga soo tuuray gaari xoog ku socday oo marayay wadada dheer ee isku xirta qaybaha Section 2 iyo Section 3 oo ka mid ah xaafada Islii.
 
Dadkan waxaa ay sheegeen in qofka dhintay uu ahaa qofkii ay haleeshay bumbadu halka ay dhaawacyana soo gaareen dadkii goobtaas ka ag-dhawaa.
 
Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Antonio Kibuche oo warbaahinta la hadlay ayaa ka gaabsaday inuu sheego cida sida rasmiga ah loogu tuhunsantahay qaraxan.
 
Waxaana uu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cida ka dambaysay qaraxa oo uusan ka hordhici doonin.
 
Qaraxan ayaa walaac ku abuuray dadweynaha xaafada Islii, iyadoo marka ay dhacaan falalka noocaas ah, ay bilowdaan hawlgallo dadka lagu qabqabanayo oo ay sameeyaan ciidamada booliiska ee Kenya.
 
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya