4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)
xaflad11.jpg
Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xaflad casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga ganacsatada xaafada Islii ayaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Maxamed Cali loogu sameeyay Hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.

Waxaana kulankan Ra'iisul wasaaraha ku weheliyay qaar kamid ah golihiisa wasiirrada, iyo dadweyne kale oo kasoo qaybgalay oo isugu jiray ganacsato,siyaasiyiin,odayaal,haween iyo dhalinyaro.

Ugu horrayna waxaa hadalka furay gudoomiyaha gudiga ganacsatada xaafada Islii Xaaji Xassan Guuleed oo hadal uu jeediyay ku ammaanay Ra'iisul wasaaraha, kagana codsaday inuu qabto jagada ugu sarreysa dalka.

"C/wali waxaa uu guulo ka keenay dawladnimada Soomaaliya intii uu ahaa Ra'iisul wasaaraha, haatanna waxaan ka codsanaynaa inuu dalka hogaankiisa ugu sarreeya qabto, si uu u dhammaystiro shaqooyinka harsan" ayuu yiri Xaaji Xassan.

Marwo Faadumo Jibriil oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay ayaa ku dheeraatay in la siiyo xuquuqda ay haweenku ku leeyihiin ka qaybqaadashada hannaanka dawladnimo ee Soomaaliya.

Faadumo Jibriil ayaa sheegtay in C/wali uu door muhiim ah ka ciyaaray qoondayntii 30% kuraasta ah ee haweenka laga siiyay baarlamaanka cusub ee haatan lasoo xulayo.

xaflad.jpg

Qaar kamid golaha xukuumada oo ay kamid ahaayeen wasiirrada ganacsiga,qorshaynta,dastuurka, iyo dib u dhiska oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyay ayaa taageero u muujiyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo ka codsaday inuu isu taago hanashada hogaanka dalka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali oo hadalka soo xiray ayaa jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay waxqabadkii xukuumadiisa.

C/wali ayaa sheegay in caqabado adag ay soo wajaheen, balse ay guulo ka gaareen dhammaan dhinacyada ansixinta dastuurka, xiriirka dibada, xoraynta gobollada, dawlad wanaagga iyo waliba tallaabooyinka kale oo badan oo loo qaaday dhanka soo celinta qarannimada Soomaaliya, sida uu yiri..

C/wali si rasmi ah uguma dhawaaqin inuu isu taagayo doorashada ka dhici doonta Soomaaliya, balse waxaa uu sheegay in qabsoomideedu xataa ay noqonayso mid kamid ah guulaha ay ku tillaabsatay xukuumadiisu.

Dhanka kalana Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu si kulul u weeraray beesha caalamka, waxaana uu sheegay in Soomaaliya aan loo caawin sida loo caawiyay wadamada kale ee ay ka dhaceen dagaallada sokeeye, lana galiyay kumeel gaar uu ku tilmaamay inuu qayb ka ahaa siyaasadaha Soomaaliya lagu hagardaamaynayo.

C/wali ayaa dhanka kalana xaqiijiyay in ay u baahantahay Soomaaliya gacanta beesha caalamka iyo taageeradooda, balse aysan mar naba gorgortan ka gali doonin karaamada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Hadalka Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa beesha caalamka ayaa ahaa kii ugu kululaa ee uu jeediyo tan iyo markii uu xilka qabtay.

xaflad6.jpg
xaflad2.jpg
xaflad12.jpg
xaflad7.jpg
xaflad8.jpg
xaflad9.jpg
xaflad5.jpg
xaflad4.jpg
xaflad3.jpg
xaflad10.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya