6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Dadweynaha Somaliland oo si weyn looga dabaal degay maalinta Ciidda iyo madaxweynaha oo Somalia u duceeyey


Axad, Ogoosto, 19, 2012 (HOL)-Dadweynaha Somaliland ayaa  maanta si weyn ugu dabaal degay ciidda soonfur oo caalamka oo dhan laga wada Ciiday.

Dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta si weyn looga dareemayey Ciidan iyo damaashaadkeedda, kuwaas oo ku faraxsanaa dhamaystirka bishi barakaysnayd ee Ramadaan, iyagoo ilaahay ka baryey inuu khayrkeedda siiyo, iskuna hambalyeynayey ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan.

Garoomadda iyo masaajidadka waaweyn ee caasimadda magaaladda Hargeysa ayaa iyaguna hiirtii waabari loogu kalahay si ay u soo gutaan salaadda Ciidda, waxaanay goobahaasi laga soo jeediyey khudbado lagaga hadlayo maalintay iyo khayrkeeda, iyadoo dadkana lagu guubaanayey nay sidii ay bishii Ramadaan cibaadadda u badsadeen ay ku sii wadaan.

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa isna dadweynaha kala qaybgalay tukashadda salaadda, waxaanu dadweynaha ugu duceeyey sanadkan sanadkiisa inay ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo isagoo ugu hambalyeeyey maalinta qiimaha badan ee Ciidda Soonfur.


“Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo  oo aan dunida u sheego inay Somaliland tahay dal madaxbanaan oo aan cidna marti uga ahayn dawladnimadeeda iyo madaxbanaanideeda”ayuu yidhi madaxweynaha oo khudbadii salaadda Ciidda ka jeediyey masaajid jamaca weyn ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “ waxaan doonayaa inaan caalamka u cadayno inay dadka Somaliland yihiin dad muddo dheer u soo halgamay  madaxbaanidooda oo aanay jirin wax ka hor imanaya iyo wax ay uga gabanayaan toona”.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu duceeyey inuu dhibaatadda ka qaato Somalia, isla markaana ku guulaystaan inay dawlad wanaagsan ay dhistaan “ waxaan jecelnahay in wadanka Soomaaliya ilaahay dhibaatada ka qaado oo ay nabad galyo iyo dawlad fiican samaystaan, oo aanu noqono dad jaara oo walaalo ah”ayuu yidhi  madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay isa saamaxaan oo nabadgalyadda ilaaliyaan.

Madaxweynuhu markii dambana waxa uu dadweynaha ku qaabilay qasriga madaxtooyadda oo ay dadweyne badani ku booqdeen, isla markaana ay ku soo salaameyn.


Dhinaca kale, magaaladda ayaa waxa soo buux dhaafiyey Caruur aad loogu labisay, kuwaas oo laga dareemayey farxadda iyo rayn raynta ciidda, iyagoo si weyn ugu soo baxay suuqyadda, isla markaana sitay alaabooyinka loogu tallogalay inay ku ciyaaraan.

Guud ahaan maalinta ayaa caalamka islaamka si weyn oo midaysan looga ciiday, iyadoo aanay jirin wax khilaaf ah oo ka dhashay Ciidan iyo maalinta  la ciidayo, taasina waxay guul u tahay dhamaan ummadda Islaamka oo ka dhigaysa umadd isku duuban oo midaysan.








Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/19/2012 11:10 AM EST
Isniin, August 19, 2012(HOL): Magaalada Västerås ee gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ku tukadeen Salaaddii Ciidda goob aad u ballaaran oo loo diyaariyay.

8/19/2012 10:00 AM EST
Axad, August 19, 2012(HOL): Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da bisha Shawaal ee sanadka Hijriga, kuna beegan 19-August-2012, waxaa si weyn dunida Muslimka ah loogaga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul-fidriga.

8/19/2012 9:46 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu jiro xilligii loo asteeyay inay ka baxdo Soomaaliya ku-meel-gaarnimada ayay xubno ka tirsan beesha caalamka oo Muqdisho ku shiray waxay si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saareen arrintan.

8/19/2012 8:54 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Deegaannada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ayaa si weyn looga ciiday maanta iyadoo ay dadweynihii salaadda kasoo qaybgalay ay la hadleen mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.

8/19/2012 8:16 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Xabsiga dhexe ee Muqdisho (Gaalshire) ayaa laga sii daayay maanta 220 maxbuus oo ciiddul fidriga awgeed cafis loo fidiyay waxayna maxaabiistan isugu jireen rag iyo dumar.

8/19/2012 7:35 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda, iyadoo muslimiin aad u fara badan oo Soomaali ay ku jirtay ay buux-dhaafiyeen barxadaha lagu oogayay salaadda ciidda oo ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaaladaas.

8/19/2012 7:22 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta si la mid ah gobollada kale ee dalka Soomaliya waxaa looga oogay munaasabada Ciidul-fidriga.

8/19/2012 7:18 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dadweyne fara badan kula tukaday maanta salaaddii ciidda masjidka weyn ee isbahaysiga Islaamka oo ah midka ugu weyn magaalada Muqdisho.

8/19/2012 6:59 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidda barakeysan ee ciiddul Fitriga oo maanta muslimiin badan oo caalamka ku nool ay siyaabo kala duwan ugu dabaaldegeen ayaa waxa siweyn looga xusay degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka.

8/19/2012 5:40 AM EST
Axad, August 19, 2012 (HOL) - Kumannaan Soomaali ah ayaa maanta isugu soo baxay salaadii ciida, goobo kala duwan oo ka mid ah dalka Kenya.

8/19/2012 1:50 AM EST
Youtube: Halkaan ka dhageyso heeso aan idiinku talagalnay maalinta Ciidda