Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidda barakeysan ee ciiddul Fitriga oo maanta muslimiin badan oo caalamka ku nool ay siyaabo kala duwan ugu dabaaldegeen ayaa waxa siweyn looga xusay degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa kamid ah goobaha sida weyn looga dareemayay munaasabadda ciidul fitriga, waxaana wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo lagu arkayay dadweeyne fara badan oo ku labisan dhar aad u qurux badan oo raxanraxan u socda wadooyinka.
Dadka reer Kismaayo oo gaarayay kumannaan qof ayaa waxa ay isugu soo urureen fagaaraha weyn ee isbartiimo Waamo halkaasoo ay ku oogeen Labada rakaco ee salaadda, waxaana shacabka reer Kismaayo halkaasi kula tukaday masuuliyiin katirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo qudbado kala duwan ka jeediyay goobta, iyagoona sidoo kale ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay laba jibaaraan taageeradooda ku aadan maamulka Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale Degmooyinka Afmadow, Jilib, jamaame, Bu’aale iyo Badhaadhe ayaa iyaguna si diiran looga xusay munaasabadda ciidda barakeysan ee ciiddul fitriga.
Inkastoo gobollada Jubooyinka intooda badan looga dabaaldegayo farxadda ciidda barakeysan ee ciiddul fitriga ayaa hadana waxa jiro kumannaan qoys oo ku nool jubooyinka oo ay heystaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah kuwaasoo aan iyagu farxad uga qeybqaadan munaasabadda ciidda, islamarkaasina u baahan in la gargaaro.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Munaasabadda Ciidul Fitriga oo Maanta si weyn looga Xusay Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya
More News
- Magaalada Västerås ee dalka Sweden oo si weyn looga ciiday? (SAWIRRO)
- Dadweynaha Somaliland oo si weyn looga dabaal degay maalinta Ciidda iyo madaxweynaha oo Somalia u duceeyey
- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo si weyn looga ciidey
- Beesha Caalamka oo sheegtay inaan Maalin Dheeraad ah lagu Darayn 20-ka Ogoosto oo Howsha DKMG ah ay ku eg-tahay
- Deegaanada ay Al-shabaab ka taliso oo si weyn looga Ciiday iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Dagaal ku baaqay
- Maxaabiis Cafis loo fidiyay Ciiddul-Fidriga Awgeed oo maanta laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho
- Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee ku nool Magaalada Cape-town ee dalka Koonfurta Afrika oo si weyn ugu Dabaal-dagay Ciidda
- Magaalada Baladweyne iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Hiiraan oo Maanta si weyn looga wada ciiday
- Madaxda dowladda Soomaaliya oo dadweyne fara badan kula tukaday Salaaddii Ciidda Masjidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka
- Soomaalida ku nool dalka Kenya oo u dabaal dagay Ciidulfidri (SAWIRRO)
- Heeso Xul ah: Ciid Wanaagsan