Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu jiro xilligii loo asteeyay inay ka baxdo Soomaaliya ku-meel-gaarnimada ayay xubno ka tirsan beesha caalamka oo Muqdisho ku shiray waxay si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saareen arrintan.
Xubnaha oo ka socda ururka Midowga, Qaramada Midoobay, urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo dalalka Jabuuti, UK, Itoobiya, Talyaaniga, Norway, Turkiga iyo Mareykanka waxay sheegeen inay u joogaan Muqdisho sidii ay uga caawin lahaayeen guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka iyo sidii howlaha KMG ah loosoo gabgabeyn lahaa.
Warmurtiyeedka ayaa waxaa lagu yiri: Beesha calaamku waxay soo dhaweneysaa go'aanka madaxda dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku gaareen inay ka baxaan xilliga KMG ah, iyagoo xusay inay jiraan loolanno adag, balse waxay waxay xuseen in la xaqiijin doono in xilligii loo qabtay ka bixista KMG ah aan maalin dheeraad ah lagu darin.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga oo shir jaraa'id qabtay kulanka kaddib ayaa sheegay inaan dib loo dhigay ka bixitaanka xilliga KMG ah, isagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin maalmaha soo socda la doorto madaxweynaha Soomaaliya.
Danjire Mahiga wuxuu sheegay in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya maalinta berri ah la dhaarin doono isla markaana ay dooran doonaan guddoomiye cusub, sidoo kaelna ay go'aan ka gaari doonaan xilliga ay dhacayso doorashada guddoomiyaha iyo madaxweynaha.
"Dhammaan saxiixayaasha Roadmap-ka waxaan ugu baaqaynaa inay ka dhabeeyaan ballanqaadyadii ay sameeyeen ayna xilliga KMG ah kusoo gabgabeeyaan xilligii loo qabtay, iyagoo xushmeynaya qodoobbadii kasoo baxay shirarkii London, Istanbuul iyo Roma oo dhammaantood ku boorriyay saxiixayaasha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhameystirka howlahooda," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen xubnaha beesha caalamka ka socday.
Ugu dambeyn, xubnahan ayaa waxay war-saxaafadeedkooda ku sheegeen inay ku rajo weyn yihiin in baarlamaanka cusub uu howshiisa billaabo 20-ka Ogoosto oo berri ku beegan. Iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiro 275 xubnood ee baarlamaanka federaalka uu ka kooban yahay, lana dhowr saamiga ay ku leeyihiin haweenka oo 30% ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Beesha Caalamka oo sheegtay inaan Maalin Dheeraad ah lagu Darayn 20-ka Ogoosto oo Howsha DKMG ah ay ku eg-tahay
More News
- Magaalada Västerås ee dalka Sweden oo si weyn looga ciiday? (SAWIRRO)
- Dadweynaha Somaliland oo si weyn looga dabaal degay maalinta Ciidda iyo madaxweynaha oo Somalia u duceeyey
- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo si weyn looga ciidey
- Deegaanada ay Al-shabaab ka taliso oo si weyn looga Ciiday iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Dagaal ku baaqay
- Maxaabiis Cafis loo fidiyay Ciiddul-Fidriga Awgeed oo maanta laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho
- Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee ku nool Magaalada Cape-town ee dalka Koonfurta Afrika oo si weyn ugu Dabaal-dagay Ciidda
- Magaalada Baladweyne iyo Degmooyinka kale ee Gobolka Hiiraan oo Maanta si weyn looga wada ciiday
- Madaxda dowladda Soomaaliya oo dadweyne fara badan kula tukaday Salaaddii Ciidda Masjidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka
- Munaasabadda Ciidul Fitriga oo Maanta si weyn looga Xusay Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya
- Soomaalida ku nool dalka Kenya oo u dabaal dagay Ciidulfidri (SAWIRRO)
- Heeso Xul ah: Ciid Wanaagsan