4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Magaalada Västerås ee dalka Sweden oo si weyn looga ciiday? (SAWIRRO)


Isniin, August 19, 2012(HOL): Magaalada Västerås ee gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ku tukadeen Salaaddii Ciidda goob aad u ballaaran oo loo diyaariyay.

Magaalada Västerås  oo ay ku nool yihiin Soomaali aad tiro badan ayaa waxay maanta farxadda munaasabadda ciidda la qeybsanayeen dadyowga Muslimiinta ah  meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

Dadka ayaa markii ay oogeen ama tukadeen Salaadda Ciidda ayaa waxay isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciidda, iyagoo isu gudbinayay hadallo is-marxabbeyn iyo kalgaceyl uu xambaarsan yahay, waxaana ka mid ahaa Ciid wanaagsan ama Ciid Mubaarak iyo iyagoo isugu duceynayay in uu Allaah dembi dhaaf  iyo naxariis ku siiyo Soonkii ay soo soomeen, sidoo kalena uu sanadkan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo, horumar iyo Soomaaliya oo nabad ah.

Sidoo kale Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Västerås waxaa ay farxadda ciidda la wadaageen dadyow kale oo ka soo jeeda Wadamo Muslim ah, kuwaasi oo iyagana si weyn u faraxsanaa, isuguna hambalyeynayay munaasabadda ciidda.


Magaalooyinka kale ee dalka Sweden sida Caasimadda Stockholm, caasimadda labaad ee Gotenborg iyo magaalooyin kale ayaa iyana si weyn looga ciiday.

Dhanka kale Ururka Somaliska United I Västerås ayaa wuxuu qado sharaf u sameeyay dadkii munaasabadda ciidda isugu jiray, iyagoo isugu tegay xarunta ururka, waxayna dadkaas isugu jireen Haween, Caruur, Dad waa weyn iyo dhalinyaro, kuwaasi oo meel ku wada qadeeyay.

Sidoo kale, waxaa jirtay in caruurta loo sameeyay tartamo ay ku farxeen oo abaalmarinno lagu guddoonsiiyay, kuwaasi oo ay caruurtii ka qeybgashay ay aad ugu farxeen.

Guddoomiyaha Ururka Somaliska United I Västerås Xasan Maxamed (Jees) oo aan kula kulannay halka ay munaasabadda ka dhaceysay ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin ay casuumaad u sameeyay dadka Soomaaliyeed ku dhaqan magaalada Västerås, wuxuuna sheegay in uu sanadkan u yahay sanadkii 2aad oo ay dadku meel ku wada xafladeeyaan.

Wuxuu u mahadceliyay in ay munaasbadda ka soo qeybgashay, isagoo rajeeyay in ay sidan ku sii wadi doonaan xafladaha ay u qabanayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Västmanland.












Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]