4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee ku nool Magaalada Cape-town ee dalka Koonfurta Afrika oo si weyn ugu Dabaal-dagay Ciidda

Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda, iyadoo muslimiin aad u fara badan oo Soomaali ay ku jirtay ay buux-dhaafiyeen barxadaha lagu oogayay salaadda ciidda oo ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaaladaas.

Soomaalida iyo muslimiin kale oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan ayaa waxay ku tukadeen laba goobood oo ku yaalla xaafadda Bellville ee magaalada Cape-town, halkaasoo ay isugu soo urureen boqolaal qofood oo ka kala yimid xaafado kala duwan oo ku xeeran magaalada Cape-town.

Cimilada aya waxay ahayd qabow hase ahaatee dadka wajiyadooda ay farxadi ka muuqaneysay rag iyo dumarba, waxaana albaabada loo laabay dhammaan goobihii ganacsiga Soomaalida xiligii salaadda lagu jiray.


Ciiddan ayaa waxay ahayd mid dadku ay si weyn ugu soo baxeen waxayna kusoo beegantay maalin Axad ah oo inta badan ganacsiga Koonfur Afrika uu xiran yahay, lagana nasanayo Shaqooyinka.

Waxaa labada goobood ee salaadda lagu tukaday wacdiyo diini ah oo aad u qiimo badan ka jeediyay culimaa'uddiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Cape-town oo ka mid ah magaaloooyinka ay Soomaalida ugu badan ku nool yihiin.



Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika