4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Maxaabiis Cafis loo fidiyay Ciiddul-Fidriga Awgeed oo maanta laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Xabsiga dhexe ee Muqdisho (Gaalshire) ayaa laga sii daayay maanta 220 maxbuus oo ciiddul fidriga awgeed cafis loo fidiyay waxayna maxaabiistan isugu jireen rag iyo dumar.

Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta dowladda KMG ah, Axmed Xasan Gaboobe oo la hadlay wabaahinta ayaa sheegay in maxaabiistan oo ay ku jiraan sideed dumar ah iyo toddoba ruux oo ajnabi ah uu cafis u fidiyay madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed.

"Maxaabiistan waxaa lagu cafiyay bilshada ciidda, waxayna laga soo qabqabtay intoda badan Muqdisho iyagoo ku xukunnaa dambiyo fudud," ayuu wasiirku ka sheegay xabsiga dhexe.

Sannad walba marka la gaaro ciidaha ayaa cafis loo fidiyaa qaar ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo maxaabiistan oo qaarkood la hadlay saxaafadda ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in xabsiga laga sii daayo.

Inkastoo aan la sheegin dambiyada ay ku xukunnaayeen ayaa waxay haddana ku jireen xabsiga muddo bilooyin ah, iyadoo xabsiga dhexe ay ku xiran yihiin maxaabiis aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwo ku xukuman dil toogasho.

Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ayaa waxaa qaarkood loo haystaa dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin inay ka mid ahaayeen Al-shabaab oo ay falal ammaanka wax u dhimaya ka maleegayeen Muqdisho iyo kuwo kale oo u xirxiran kufsi iyo inay isticmaaleen maan-dooriyeyaal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya