6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Madaxda dowladda Soomaaliya oo dadweyne fara badan kula tukaday Salaaddii Ciidda Masjidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka

Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dadweyne fara badan kula tukaday maanta salaaddii ciidda masjidka weyn ee isbahaysiga Islaamka oo ah midka ugu weyn magaalada Muqdisho.

Salaadda ayaa waxaa tujinayay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyadoo ay ka qaybgaleen wasiirro, xildhibaannada cusub, odayaasha dhaqanka, safiirro, saraakiisha ciidammada dowladda, saraakiisha AMISOM qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal jeediyay salaadda kaddib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dadweyne fara badan ay kasoo qaybgalaan salaadda, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo sidii ammaanka loo adkeyn lahaa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isaguna tahniyad u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, isagoo u rajeeyay ciiddan ciiddeeda inay ku gaaraan nabad, bashbash iyo barwaaqo, isagoo sheegay inuu rajeynayo in dowlad wanaagsan ay ka dhalato dalka.

Dhanka kale, masaajiddada magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga ciiday iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo Muqdisho sidan oo kale loogu ciido muddo sannado ah, waxaana xalay oo dhan magaalada laga arkayay iftiinka bulaleyrka oo lagu soo dhaweynayay ciidul fidriga.

Ciiddan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo lagu wado inay Soomaaliya ka guurto xilliga KMG ah, iyadoo toddobaadyada soo socda dalka loo dooran doono madaxweyne cusub oo hoggaanka u qabta dowlad cusub oo dalka ka dhalata.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/19/2012 11:10 AM EST
Isniin, August 19, 2012(HOL): Magaalada Västerås ee gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ku tukadeen Salaaddii Ciidda goob aad u ballaaran oo loo diyaariyay.

8/19/2012 11:03 AM EST
Axad, Ogoosto, 19, 2012 (HOL)-Dadweynaha Somaliland ayaa maanta si weyn ugu dabaal degay ciidda soonfur oo caalamka oo dhan laga wada Ciiday.

8/19/2012 10:00 AM EST
Axad, August 19, 2012(HOL): Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da bisha Shawaal ee sanadka Hijriga, kuna beegan 19-August-2012, waxaa si weyn dunida Muslimka ah loogaga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul-fidriga.

8/19/2012 9:46 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu jiro xilligii loo asteeyay inay ka baxdo Soomaaliya ku-meel-gaarnimada ayay xubno ka tirsan beesha caalamka oo Muqdisho ku shiray waxay si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saareen arrintan.

8/19/2012 8:54 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Deegaannada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ayaa si weyn looga ciiday maanta iyadoo ay dadweynihii salaadda kasoo qaybgalay ay la hadleen mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.

8/19/2012 8:16 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Xabsiga dhexe ee Muqdisho (Gaalshire) ayaa laga sii daayay maanta 220 maxbuus oo ciiddul fidriga awgeed cafis loo fidiyay waxayna maxaabiistan isugu jireen rag iyo dumar.

8/19/2012 7:35 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda, iyadoo muslimiin aad u fara badan oo Soomaali ay ku jirtay ay buux-dhaafiyeen barxadaha lagu oogayay salaadda ciidda oo ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaaladaas.

8/19/2012 7:22 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta si la mid ah gobollada kale ee dalka Soomaliya waxaa looga oogay munaasabada Ciidul-fidriga.

8/19/2012 6:59 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidda barakeysan ee ciiddul Fitriga oo maanta muslimiin badan oo caalamka ku nool ay siyaabo kala duwan ugu dabaaldegeen ayaa waxa siweyn looga xusay degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka.

8/19/2012 5:40 AM EST
Axad, August 19, 2012 (HOL) - Kumannaan Soomaali ah ayaa maanta isugu soo baxay salaadii ciida, goobo kala duwan oo ka mid ah dalka Kenya.

8/19/2012 1:50 AM EST
Youtube: Halkaan ka dhageyso heeso aan idiinku talagalnay maalinta Ciidda