
Axad, August 19, 2012 (HOL) - Kumannaan Soomaali ah ayaa maanta isugu soo baxay salaadii ciida, goobo kala duwan oo ka mid ah dalka Kenya.
DadweynahII ugu badnaa oo kumannaan dhaafayay ayaa ku tukaday barxada Sir Ali club ee magaalada Nairobi, halkaasoo uu dadweynaha muxaadaro uga jeediyay Sheekh Maxamud Maxamed (Shibli).
Waxaana uu ugu baaqay Soomaalida iyo muslimiinta aduunkaba inay midoobaan.
Qaybaha kale ee dalka Kenya, gaar ahaana magaalooyinka Islaamku ay ku badanyihiin ee Mombasa iyo Gaarisa ayaa dadweynuhu ay u soo baxeen salaada ciida.

Waxaana magaalada Mombasa ay dadka qaar ku tukadeen guryahooda, kadib markii uu bilowday roob culus, halka qaar kalana ay door bideen inay fagaarayaasha ku tukadaan iyadoo uu roobku da'ayo.
Ciidan oo ah ciidul fidri ayaa sidoo kale lagu arkayay goobaha qaar dad danyar ah oo safaf dhaadheer ugu jira inay qaataan raashinka la bixiyo ciidan kahor inta aan salaada lasoo tukan.






Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]Nairobi , Kenya