6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Ururka Al-shabaab iyo Kenya oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Faafax-dhuun ee Gobolka Gedo
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Saraakiil u hadashay xoogagga Al-shabaab iyo Kenya ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo.

Dagaalkii shalay oo ahaa mid aad u xooggan islamarkaasina qaatay saacado badan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen deegaanka Faafaxdhuun.

Afhayeenka Militariga Kenya ee howlgalka ka wada Soomaaliya Emanueal Chirchir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, isagoona sheegay in ay u geysteen khasaarooyin lixaad leh islamarkaasina ay ka dileen ilaa 80-askari.

“Al-shabaab waxay soo weerareen Faafaxdhuun, waxaan ka burburinay sided gaari oo tikniko ah, in ka badan 100 qori nooca AK47-ka ahna waan ka qabsannay,” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale afhayeenka dhanka howlgallada ee Al-shabaab Sheekh Abuu Muscab oo warbaahinta lahadlay ayaa isna sheegay in dagaalkii shalay ay ciidamada Kenya uga dileen ilaa 60 askari tiro intaa ka bandanna ay ka dhaawaceen, isagoona sheegay in sidoo kale ay dagaalkaasi ku gubeen ilaa shan gaadiid oo nooca dagaalka ah.

Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in dhankooda ay dagaalkaasi uga dhinteen ilaa 17 askari, wuxuuna xusay in ciidamada Kenya ay jab xooggan ugu geysteen dagaalkii shalay.

Illa imika ma jiraan ilo madax bannaan oo qeexaya khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee warar ku dhow dhow halka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu ahaa mid aad u culus islamarkaasina ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka fudfudud iyo madaafiic.

Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa dowladda KMG ayaa waxa ay ku suganyihiin qeybo badan oo katirsan gobolka Gedo halkaasoo ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab kadib dagaallo culus oo ay la galeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya











Click here
8/17/2012 8:26 PM EST
Sabti, August 18, 2012(HOL): Xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu taageerayay musharraxa Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) oo ay ka soo qeybgaleen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, aqoonyahanno, haween, siyaasiyiin, odayaal, culimo, dhallinyaro iyo ururrada bulshada rayidka oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ee dalka Sweden ayaa waxay dhacday Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

8/17/2012 3:01 PM EST
Jimo, Agoosto 17, 2012 (2012)Guddiga Farsamada ee xulista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gudbiyey 202 xildhibaan, waxaana dhiman 73 xubnood oo laga sugayo in ay odayaal dhaqameedka u soo gudbiyaan guddiga farsamada. Beeshad Shanaad - 23 Digil iyo Mirifle - 49 Darood - 40 Hawiye - 37

8/17/2012 10:37 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay shaqada guddiga farsamada iyo xulitaanka xildhibaannada baarlamaanka iyo weliba dhammeystirka marxaladda KMG ah, kaddib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya dajire Augustine Mahiga.

8/17/2012 10:06 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Dhallinyaro ka kala yimid dalalka UK iyo Canada oo maalmahan fasax ku joogay Soomaaliya ayaa hay’adda iskuxirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaliyeed ee SOYDEN fursad u siisay inay dhalinyaradaas ku boodaan xarunta lagu tababaro.

8/17/2012 9:50 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa magacyada xubno dhawaan ay guddiga xulista xidlhibaannadu dib u soo celiyeen ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya.

8/17/2012 9:50 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Hay’adda Qalam oo ka mid ah hay'adaha dhinaca samafalka ka shaqeeya ayaa waxay maanta oo Jimco gaarsiisay boqolaal qoys oo ku nool gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay raashin sakaatul Fidri ah.

8/17/2012 9:22 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa la sheegay inuu bixiyay amar lagu soo xiray gacan-yaraha ugaaska Beesha Tunni oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kaasoo horay logoa saaray shirka odyaasha dhaqanku ay ku leeyihiin Muqdisho.

8/17/2012 8:29 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xoogag Xarrakada Al-shabaab ee gacanta ku haya maamulka degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan la wareegeen gadiid siday raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka ku dhibateysan qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan.

8/17/2012 8:26 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — In ka badan 10-hay'adood oo ka mid ah kuwa samafalka Turkiga ayaa uga baxay Muqdisho sababo la xiriira xilliga kala guurka ah ee lagu jiro, balse waxaa weli ku sugan Muqdisho afar hay'adood oo ka shaqeynaya dib u dhiska iskuullada, xarumaha dowladda iyo caafimaadka.

8/17/2012 8:23 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta dhoolatus ku sameeyay waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo booliiska AMISOM ay maraan waddooyinkaas.

8/17/2012 6:59 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Hay'adda caalamiga ah ee laan-qayrta cas (ICRC) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay 420,000 qof oo ku nool Muqdisho ay u qaybisay gargaar bani'aadamnimo.

8/17/2012 4:48 AM EST
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa sheegtay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya aysan wax faragelin ah ku sameyn doorashada madaxnimo ee Soomaaliyaaa, taasoo lagu wado inay dhacdo maalinta Isniinta ah ee soo socota, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay dib u dhici karto.