Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubbada Hoose.
Israsaaseyntan oo socotay qadar dadiiqado ah ayaa ka danbeeysay kadib markii askar katirsan ciidamada dowladda uu dhexmaray muran ka dhashay gaadiid qaad siday, iyadoona markii danbe uu murankaasi isu badalay in ciidamadu ay isu adeegsadaan rasaas.
Israsaaseynta dhexmartay ciidamada dowladda ayaa sababtay dhaawac soo gaaray qof rayid ah, mana jiraan khasaare kala gaaray dhinacyadii ay israsaaseyntu u dhexeysay.
"Magaalada gudaheeda ayay cabaar xabadda ka dhaceysay, markii hore waxaan moodnay in magaalada lasoo weeraray, hal qof ayaa ku dhaawacmay waxaana loola cararay isbitalka," sida waxa yiri Abdikadir Faarax oo kamid ah dadka deegaanka Dhoobleey.
Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in halkii lagu dagaalamay ay gaareen ciidamo katirsan kuwa maamulka deegaanka Dhoobleey islamarkaasina ay ku guuleeysteen in kala dhexgalaan dhinacyadii dagaalamay.
Aalaaba goobaha ay gacanta ku heyso dowladda KMG ayaa waxa ka dhaca iska-horimaadyo kuwan lamid ah, kuwaasoo sababa khasaarooyin soo gaara dad rayid ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Israsaaseyn Ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmartay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Duqeymo Xooggan oo ku Socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Wasaarada Waxbarashada Somalia oo soo bandhigtay qalab casri ah (SAWIRRO)
- Guddiga xulista xidhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in meel gabo-gabo ah uu marayo liiska xildhibaannada cusub
- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Goboleedka IGAD oo uga digay in la Musuqmaasuqo Xulista Xildhibaannada
- Waftiga Reer Buuhoodle iyo Somaliland oo ku heshiiyay in Ciidamada ku sugan Jiidda hore dib loosoo raro iyo in maxaabiista la siidaayo
- Mid ka mid ah Murashaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo ku hanjabay inay Mudaaharaadyo sameyn doonaan
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Bilad Abaalmarin ah siiyay hay'ad Turki ah oo ka howlagasha Magaalada Muqdisho
- Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka Somaliland
- Ururka Midowga Yurub oo Walaac ka muujiyay habka lagu soo xulsayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
- Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
- Dagaal Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho
- Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo laga dareemayo diyargarow loogu jiro Munaasabadda Ciidda