Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Labaatan qoys oo ah agoomaha ku dhaqan xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa loo qaybiyey laba kun ($2000) oo doollarka Maraykank ah si caruurtaasi looga farxiyo maalinta Iidda, isla markaana ay ula iidi lahaayeen dadweynaha islaamka.
Qoysaskan agoonta ah ayaa waxa gacanta ku haya ururka Hiil oo saldhigiisu yahay wadanka Sweden,kuwaas oo shantii sanno ee u dambeeyey taageeri jiray qoysaskaasi, waxaanay ka bixiyaan lacagta waxbarashadda iyo nolosha kalaba.
Lacagtan loo qaybinayey qoysaskan danyarta ah ee beelaha Gabooye ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotey Ururka Hiil, guddida Xaafada, Boqorro, Salaadiin, Cuqaal, iyo sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada.
Ururkan HIIL ayaa sheegay inay lacagtan ay ugu tallogaleen inay caruurta ka farxiyaan oo aanay u dareemin aabo la’aanta, waxaana Shiine oo ku hadlayey afka ururkan sheegay inuu mustaqbalka ku tallo jiraan inay agoomaha ku dhaqan xaafadan Daami ay u samayn lahayeen iskuul u gaar ah oo ay wax ka bartaan.
Waxaanu bulshada Soomaalidu ugu baaqay inay barnaamijkan khayriga ah ee lagu caawinayo agoontaas ay ka qaybgalaan oo ay taageer, isagoo sheegay in lacagtani ay iyaga dhexdoodu iska ururiyeen ee aanay cid kale ka helin ama ku caawin.
“ waxaan xasuustaa Awlaadayda Daranyadii iyo Diiftii haysatay 5 sanno ka hor, waayo waxay wada ahaayeen kuwo aan haysan Waxbarasho waxay wada joogeen xaafada, waxaan ku hamiyi jiray mararka qaar inaan ka dhigo Baalashlayaal si ay ugu soo helaan nolol maalmeedka qoyska, laakiin Alle fadligiisa waxaa hamigaygaas meesha ka saaray Ururka hiil oo hadda dhamaantood waxa ay wada dhigtaan Dugsiga Nuradiin iyo Madaariska Aflax iyagoo meel fiican ka maraya, waxbarashada teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ahba, waxaanay Inanteyda ugu yar caruurtu hadda korka ka haysaa 10 jis oo Qur,aan ah”ayey tidhi Hooyo Saado Diiriye oo ka mid ah qoysaska ay kafaalo qaaday ururkan HIIL oo ka waramaysay marxaladii ay caruurteedu soo martay ka hor inta aanay kafaalo qaadin ururkan.
Barkhad Jaamac Xirsi oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshadda, ayaa ugu baaqay in Xukuumada, Shacabka, Iyo waliba ganacsatadu Xil gaar ah iska saaraan adeega ilaha Bulshada gaar ahaan kuwooda liita, waxaanu la lataliyaha madaxweynuhu balan qaaday iney sidii hore iyo si ka fiicanba ula shaqeyn doonaan Ururka Hiil. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay cidii wax u tartan agoonta ee ka qaybqaatada mashruucan uu janno ku helayo ilaahayna ugu dhowaanayo.
Gaadhsiinta lacagtan qoysaskan agoonta waxa hadalo ka soo jeediyey Boqor Axmed Ugaas Iman Warasame, Suldaan Daakir Xassan Khaliif Iyo Gudoomiye Xassan Sheikh Maxamed, iyagoo dhamaantood u mahad celiyey xilka iska saareen Ururuka Hiil, waxaanay cuqaashu bulshadda soomaalidda ka codsadeen inay taageeraan mashruucan wax loogu qabanayo agoomaha, sidoo kale waxay usoo jeediyeen in lala dagaalamo Takoorka oo dadka laga wacyigeliyo dhaqankan xun ee dadka walaalaha ah lagu kala saarayo.
Beelaha Gabooye ayaa mudooyinkii u dambeeyey u jeestay horumarinta dhalinyarada, iyagoo dugsiyo badan u sameeyey, halka qaarkoodna jaamacadaha kala duwan ee dalka ka soo baxeen, waxaana dhowaan dhismihiisa la bilaabay dugsi weyn oo loogu magacdaray Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi oo laga hirgalinayo xaafadda Daami oo ay degan yihiin beelaha Gabooye.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
More News
- Duqeymo Xooggan oo ku Socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
- Wasaarada Waxbarashada Somalia oo soo bandhigtay qalab casri ah (SAWIRRO)
- Israsaaseyn Ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmartay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose
- Guddiga xulista xidhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in meel gabo-gabo ah uu marayo liiska xildhibaannada cusub
- Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Goboleedka IGAD oo uga digay in la Musuqmaasuqo Xulista Xildhibaannada
- Waftiga Reer Buuhoodle iyo Somaliland oo ku heshiiyay in Ciidamada ku sugan Jiidda hore dib loosoo raro iyo in maxaabiista la siidaayo
- Mid ka mid ah Murashaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo ku hanjabay inay Mudaaharaadyo sameyn doonaan
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Bilad Abaalmarin ah siiyay hay'ad Turki ah oo ka howlagasha Magaalada Muqdisho
- Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka Somaliland
- Ururka Midowga Yurub oo Walaac ka muujiyay habka lagu soo xulsayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
- Dagaal Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho
- Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo laga dareemayo diyargarow loogu jiro Munaasabadda Ciidda