4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2012
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayey ayaa ka qaybgalay qalinjabinta 523 arday oo ka qalinjabiyey jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.

Madaxweyne ku xigeenka waxa ku wehelinayey safarkiisan Boorame uu ku tagay Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo :Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Dib u dejinta iyo xubno ka tirsan Golaha Wakiiladda, maamulka gobolka Awdal heer degmo iyo heer gobolba.

Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa ugu horeyn xafladan ka hadlay maraaxilkii kala duwana ee ay soo martay jaamacadda Camuud iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay.

Gudoomiyuhu waxa uu xusay inay jaamacadu ka kooban tahay 11 kuuliyadood oo kala duwan, waxaanay ardaydan qalinjabisay dhameeyeen sideed ka mid ah 11 kuuliyadood ee ka jira jaamcadda.

Guddoomiyuhu waxa uu wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo guud ahaan dawladda Somaliland uga mahad-celiyey doorka ay ku leeyihiin habsami u socodka hawlaha jaamacadaha dalka gaar ahaan jaamacadan Cammuud.

 Gudoomiyaha jaamacadda waxa uu sheegay in ardaydan wax ka barata jaamcadu ay ka kala yimaadeen deegaanadda kala duwan ee Soomaalidda ee af soomaaliga lagaga hadlo, kuwaas oo ku faraxsan wax ka barashadda jaamacada iyo soo dhoweynta ay u sameeyaan qof kasta oo doonaya  inuu wax barto.

Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan, oo munaasibadan qalinjabinta ka hadashay ayaa tilmaamtay in jaamacada camuud tahay hormood waxbarashadda dalka, isla markaana kaalin weyn kaga jirto kor u qaadidda aqoonta iyo horumarinta guud ahaan dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo geba-gebadii xafladan qalinjabinta ah ka hadlay,ayaa  xusay in Xukuumaddda Somaliland ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta iyo tayeynta waxbarashadda, waxaanu sheegay in dhawrkun oo macaliin ah ay dhowaan hawlgaliyeen kuna dareen shaqaalaha wasaarada waxbarashadda, kuwaas oo dhigi doona dugsiyadda hoose/dhexe iyo sare.

Sidoo kale, madaxweyne u xigeenka oo dhawr cisho joogay magaaladda Boorama waxa kale  oo uu ka qaybgalay jaamacadda Eelo university oo ku taala magaaladda Boorame, kaas oo 72 arday ka qalinjabiyeen.

Guud ahaan jaamacadaha dalka oo aad u farobadan ayaa bishan September ay ku beegan tahay qalinjabintoodu, iyagoo maalmaha soo socdana jaamacado kale oo ku yaalla magaaladda Hargeysa ay arday badani ka qalinjabin doonaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland