Axad, September 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray degmada Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.
Iskahorimaadkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa wuxuu billowday kaddib markii dableyda hubeysani ay weerar ku qaadeen guri ay degmadaas ka deggenaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
"Dagaalku wuxuu ahaa mid la isku adeegsaday hub kala duwan, wuxuuna si toos ah u socday nuso saace, laba qof ayaana ku dhimatay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmadaas oo sheegay inay saakay arkeen maydadka laba qof oo kala ahaa qof shacab ah iyo mid ka mid dhinacyadii dagaalamay.
Ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa saakay baaris ku wada xaafadda Xamarjadiid iyadoo weerarkaas lagu eedeeyeen kooxo taageersan Xarakada Al-shabaab.
Dadweynaha ku nool xaafadda uu xalay dagaalka ka dhacay ayaa sheegay inay ka qabaan cabsi weyn inay dagaalladu soo noqnoqdaan, waxaana dagaalkan uu kusoo beegmayaa iyadoo baaritaanno lagu sugayo ammaanka ay ka socdaan qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Habeennadii ugu dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay iskahorimadyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo gacansaar la leh Al-shabaab, waxaana dagaalladan ay kusoo beegmayaa iyadoo Muqdisho uu ka socdo diyaar-garowga doorashada madaxnimo ee dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidammada dowladda iyo kooxo hubeysan oo xalay ku dagaalamay xaafadda Xamar-jadiid ee Degmada Wardhiigley
More News
- Gabdhaha qurbaha kasoo noqonaya oo qayb ka ah dib u dhiska dalka ka bilowday
- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in laga qayb-qaato sugidda Ammaanka inta doorashadu socoto
- Guddiga Doorashada oo sheegay in mid ka mid ah Murashaxiinta uu ka Tanaasulay ka qaybgalka doorashadea Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Qaraxyo khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud
- Murashaxiinta u tartamaya Kursiga Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho ka wada ololayaal doorasho oo xoog leh
- Soomaali lagu dhaawacay duleedka Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika iyo go'aanno laga soo saaray kulanka Ammaanka Soomaalida looga hadlay
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho