Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladdii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, taas oo ay uga hadleen doorashada madaxweynenimo oo dhacaysa maalinta berri ah oo ku beegan Isniin.
Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha baarlamaanka ayay labada mas'uul uga hadleen sidii doorashada madaxnimo ee dalka aysan uga dib dhici lahayd maalinta Isniinta ah ee soo socta.
"Waxaan kawada hadalnay aniga iyo Sheekh Shariif sidii loo howlaha harsan loogu dhameystiri lahaa si wanaagsan, baarlamaanka howshiisana uma hakanayso dhowr xildhibaan oo ka maqan baarlamaanka," ayuu yiri Prof. Jawaari.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada horay looga reebay inay ka mid noqdaan baarlamaanka ee ay xukuntay maxkamadda sare ay u saareen guddi kasoo shaqeeya arrintooda, inta go'aan laga gaarayana aysan dartood u hakan doonin howlaha baarlamaanka.
Madaxweynaha dowladdu xilligeedu dhammaaday Shariif Sheekh Axmed oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay ka heleen inay ka mid yihiin sidii lagu dhameystiri lahaa howlaha harsan oo ay doorashada ugu weyn tahay.
"Waxaan kawada hadalnay aniga iyo guddoomiyaha baarlamaanka sidii howlaha socda loogu dhameystiri lahaa si wanaagsanoo aan lahayn xasaasiyaad lahayn, waayo dunida oo dhan ayaa indhaha ku haysa waxa dhacaya, mana doonano in howshii lasoo qabtay ay wax gaaraan, runtiina waan isla meel dhignay wixii aan kawada hadalnay oo dhan," ayuu yiri Sharifi Sheekh.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo Shariif Sheekh ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada madaxnimo ee dalka ay ku dhacdo si wanaagsan, iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in doorashada madaxnimo ee dalka lagu qabto Muqdisho kaddib muddo nas qarni ku dhow.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho
More News
- Gabdhaha qurbaha kasoo noqonaya oo qayb ka ah dib u dhiska dalka ka bilowday
- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in laga qayb-qaato sugidda Ammaanka inta doorashadu socoto
- Guddiga Doorashada oo sheegay in mid ka mid ah Murashaxiinta uu ka Tanaasulay ka qaybgalka doorashadea Madaxweynenimo ee Soomaaliya
- Qaraxyo khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud
- Murashaxiinta u tartamaya Kursiga Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho ka wada ololayaal doorasho oo xoog leh
- Soomaali lagu dhaawacay duleedka Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika iyo go'aanno laga soo saaray kulanka Ammaanka Soomaalida looga hadlay
- Ciidammada dowladda iyo kooxo hubeysan oo xalay ku dagaalamay xaafadda Xamar-jadiid ee Degmada Wardhiigley